Kooxda Baarista Qaramada Midoobay oo sheegtay in Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya ay si bareer ah u lunsadaan Hanti Qaran.

War ka soo baxay Kooxda Caalamiga ee Baarista dhacdooyinka iyo Xisaabaadka dalka Soomaaliya (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa warbixin hordhac ah oo laga helay ku eedesay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya in ay si joogto ah oo aan qaris lahayn u lunsadaan hanti fara badan oo gaareysa Malaayiin doollar. HOOS KA AKHRI WARBIXINTA

Warbixintan ayaa lagu soo eedeysay mas’uuliyiinta kala ah: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan, ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ah, Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole. (ENGLISH 198 PAGES HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA OO DHAN)

Maxaa lagu Eedeeyey Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed?

Warbixintu waxay sheegtay in madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen lacag dhan $3 milyan oo doollar oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda Cummaan si loogu hormariyo hay’adda nabadgelyada Soomaalia (Somaali National Security Agency). Waxaa xusid muddan in arrinta madaxweyne Shariif lagu eedeeyay uu fuliyay Cabbaas Sheekh Maxamed (Jimcaale) oo ah agaasimaha shirkadda ASMJ General Trading, qaraabana la ah madaxweyne Shariif, sida uu guddiga baarista u xaqiijiyay qunsulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta. Cabbaas Maxamed ayaa xiriir dhow la leh dowladda KMG ah isla markaasna si joogto ah ugu sii hormariya lacago, raashina siiya ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in shirkadda ninkaas qaraabada iyo gacanyaraha u ah madaxweyne Shariif ay xarumo ku leedahay Imaaraadka Carabta, Soomaaliya iyo dalka Kenya. Guddiga Warbixintaan qoray oo sii faah faahinayay, xeeladaha ay madaxda dowladdu lacagta dalka ku isticmaalaan iyo shaararka ay u geliyaan ama sababaha ay ku magacaabaan ayaa tibaaxay in hab dhaqanka musug maasuq ee madaxda dowladda KMG uu ka sareeyo in loogu yeero wax isdaba marin iyo musuq maasuq, balse uu yahay dhac toos ah oo aan qarsooneyn, waxayna ku tilmaameen, maamul kor iyo hoos isku xiran oo u wada samaysan inuu wax dhaco.

Warbixinta ayaa tusaale u soo qaadatay, in shirkad lacag dayn ahayd ku lahayd dowladda Soomaaliya uu Shariif Xasan sheekh Adan oo ahaa wasiirka maaliyaddu uu u sheegay, in aysan dowladdu lacagtaas haysan, balse qeyb ka mid ah uu dowladda deyminayo ama kasii bixinayo madaxweyne Shariif.

Lama sheegin halka uu madaxweyne Shariif ka keenay Lacagta uu deymiyay dowladda Soomaaliya ee shirkadda lasiiyay, hase yeeshee, guddiga warbixinta qoray oo wareystay sheekh shariif ayaa sheegay inuu madaxweynuhu u xaqiijiyey, jiritaanka arrintaas Shirkaddu sheegtay, wuxuuna cadeeyay, inuu lacagtaas isagu jeebkiisa ka bixiyay, hase yeeshee mar ay guddigu waydiiyeen, sida uu lacagtaas uga soo ceshanayo dowladda ayaa ku gaabsaday inuu garanayo qaabka uu ku soo ceshan doono lacagtaas, balse guddiga ayaa hay’ado kale oo ay wareysteen ka xaqiijiyay in dad ka masuul ah madaxweynaha ama shirkado qandaraasleyaal dowladeed ah oo Sheekh Shariif sameeyay ay hab dadban dowladda uga qaadeen lacago qaan sheegato ah oo ay ku xusnayd in ay qabteen shaqo dowladeed oo xaqiiqdu ahayd inaysan shaqsiyaadkaasi qaban shaqada ay sheegeen  in ay qabteen.

Waxaa kaloo warbixintu sheegtay in boqolkiiba soddon (30%) lacagta dowladda soo gasha ay maamulaan saddexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda KMG ah oo kala ah madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha iyo dad iyaga qaraabo la ah ama gacan saar dhow uu ka dhexeeyo. Lacagta ku baxday saddexdaas xaafiis ayaa lasheegay in ay sannadkii 2011 gaaraysay $13.4-milyan, halka kharajka ku baxay ciidamada ammaanka uu ahaa $12.6 milyan oo keliya. (ENGLISH 198 PAGES HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA OO DHAN)

Maxaa lagu Eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan?

Eedeynta loo soo jeediyey Guddoomiyaha Barlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Warbixintu lagu soo qaray ayaa waxay ahayd inuu lunsasho hanti Qaran iyo bixin qandaraasyo uu siiyay dad isaga saaxibadiis ah laga bilaabo markii loo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo ku-xegeenka ra’iisul wasaaraha xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Sidoo kale Warbixintu waxay ku eedeysay Shariif Xasan inuu ka qayb-galay qaadashada lacag dhan 3-milyan oo doollar oo ay deeq ahaan u bixisay dowladda Cummaan bishii Abriil ee sannadkii 2009-kii. Shariif Xasan ayaa wuxuu sidoo kale lacag hal milyan ($1) oo dollar ah ka qaatay shirkadda SKA Air Logistics oo maamusha garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Shariif Xasan iyo rag ganacsi kala dhexeeyo oo kala ah: Shariif Axmed Ba’alaawi, Jeneraal Gaafow oo ah madaxa waaxda socdaalka ee dowladda KMG ah iyo qusulka guud ee dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Imaaraadka Carabta, Cabdulqaadir Sheekhey ay saami (share-holder) ku leeyihniin shirkadda Mondial Technology Information oo qandaraas lagu siiyay inay daabacdo dal-kugalka (Passport) Soomaaliya.

Waxaa kaloo Shariif Xasan lagu eedeeyay inuu heshiis iskiis ah la galay dowladda Suudaan si ay u soo daabacdo lacag shillin Soomaali ah (Sh. 1000, 2000, 10,000, 20,000, 50,000 iyo 100,000) oo tiradeedu gaareyso 3 Tirilyan oo lagu qiimeeyay in ay tahay illaa 150-milyan oo doolar, taas oo mar hore lasameeyay, una diyaarsan in lasoo qaado, hase yeeshee cabashooyin laga muujiyey ka dib lahakiyay soo qaadisteeda, iyadoo lala sugayo wixii ka dambeeya 22-ka Agoosto ee sanadkaan in ay ka howl bilowdo lacagtaasi gudaha Soomaaliya.

Lacagtii ay ku deeqday dawlada Koonfurta Suudaan

Horraantii sanadkii 2012, dawlada Koonfurta Suudaan waxay ku deeqday lacag dhan USD $1 Million (Hal Milyan Doolar), waxaana lacagtaasi la soo marsiiyey Price Waterhouse Coopers oo ah shirkad heysa xisaabaad maaliyadeed bank account oo ay leedahay DKMG Soomaaliya.  Lacagtan waxay dawlada Koonfurta Suudaan ugu talagashay in lagu taageero dib u heshiisiinta gobolada laga saaray ururka Al-Shabaab iyo horumarintooda.  Saraakiil sare oo ka tirsan dawlada Soomaaliya waxay guddiga Monitoring Group u sheegeen in dawladu lacagta halka milyan ay heshay.

(ENGLISH 198 PAGES HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA OO DHAN)

Maxaa lagu Eedeeyey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Gaas?

Warbxintu waxay sheegtay inay hayaan caddayn muujinaysa inuu ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas si joogto ah warqado ugu qori jiray waaxda canshuuraha ee dekedda Xamar oo uu uga codsanayo in canshuur dhaaf la siiyo shikado iyo shaqsiyaad gaar isagoo sabab uga dhigayay inay shaqo dowladeed hayaan.

Guddiga baarista ayaa xaqiijiyay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ugu deeqday xukuumaddii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo lacag gaareysa 10- milyan doollar, isla markaasna $5-milyan oo doollar ay siisay xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas.

Ra’iisul wasaare C/weli Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in $3.5 milyan oo doollar oo ka mid ah lacagtii ay dowladda Imaaraadka ku deeqday aysan soo gaarin oo ay lunsatay xukuumaddii ra’iisul wasaare Farmaajo. Sidoo kale ra’iisul wasaare Gaas ayaa u sheegay guddiga inuu lacag $5 milyan ah dhigay bangiga dhexe ee dowladda Soomaaliya, laakiin arrintaas bangiga dhexe caddayn lagama hayo.

Halkaas waxaa ka muuqda farqi u dheexya warbixinta ay dhiibtay wasaaradda maaliyadda iyo caddaymaha bangiga dhexe yaalla.

Maxaa lagu Eedeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda KMG Maxamed Cabdullaahi Farmaajo?

Guddiga baaristu wareysi lama uusan yeelan ra’iisul wasaarihii hore, Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo, laakiin ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in lacag dhan $3.5 milyan ay ku maqan tahay xukuumaddii Farmaajo, lacagtaa oo qayb ka ah $10 milyan oo doollar oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya.

Maxaa lagu Eedeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole?

C/raxmaan Faroole oo ah Madaxweyne dowlad goboleedka Puntland, ayay warbixintu ku eedeysay inuu qandaraasyo siisay shirkado shisheeye ah oo si sharci-doarro ah hub u soo galiyay deegaannada uu madaxda ka yahay taasoo ka soo horjeedda cunno-qabateyntii hubka ee ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu caddeeyey inuu qandaraasyada uu siiyey Sharikadaha ayaa waxaa ka mid ah: Pathfinder Corporation, Canmex, Africa Oil, Puntland Exploration Security Unit.

Sida la wada ogsoon yahay Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeyay dhowr jeer oo hore inay lug ku leeyihiin eedeymaha loo soo jeediyo ee ku saleysan lunsashada deeqaha la siiyo Soomaaliya iyo hantida Qaranka. Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu diyaar u yahay in baaris lagu sameeyo halka ay maraan deeqaha Soomaaliya ay ka hesho dalalka dibadda.

shirkii ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga bishii Juun ee sannadkan ayaa waxaa Bankiga Adduunka ku soo bandhigay warqado ku saabsan lacago fara badan oo loogu deeqay Soomaaliya, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay mareen. Iyadoo madaxda Soomaalidu ay sheegeen inaysan lacagahaas soo gaarin.

HALKAAN RIIX OO AKHRI WARBIXINTA QEYBTEEDA KALE OO AF SOOMAALIYA KANA HADLAYSA SIDII LACAGTA LOO KALA QAATAY, QAABKA LOO QAATAY IYO XEELADAHA LAGU QAATAY.

(ENGLISH 198 PAGES HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA OO DHAMEYS TIRAN)

SomaliSwiss      Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: