Dowladda KMG ah oo Dad Ajnabiya iyo saraakiisha sare ee Al-shabaab u qaybisay Baasabooro Diblomaasi.

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa Baasaboorka cas ee Diblomaasiyiintu qaataan u qaybisay dad aan Soomaali ahayn iyo inta badan saraakiisha sare ee xarakada Al-Shabaab.

Warbixin ka kooban 198 bog oo ay diyaariyeen Guddiga Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan, cunaqabataynta hubka iyo la socodka Arimaha nabad gelyada Soomaaliya iyo ereteriya, hase yeeshee si aan toos ahayn ay saxaafaddu u heshay ayaa lagu sheegay in Baasaboorka cusub ee Soomaaliya nuucyadiisa kala duwan, gaar ahaan nuuca ay uisticmaalaan diblomaasiyiintu loo sameeyay dad aan u dhalan Soomaaliya iyo inta badan saraakiisha xarakada Al-Shabaab, ka dib markii laga qaatay lacago.

Warbixinta Guddigaan oo sidoo kale sharaxaysa lacago fara badan oo ay siyaabo kala duwan u musuq maasuqeen madaxda TFG-da meelihii ay ka timid iyo cidda ay ku maqan tahay ayaa lagu cadeeyay in Baasaboorka Soomaaliya loo bedelay mid laga ganacsado, isla markaana loo sameeyo cid kasta oo lacag bixisa, xittaa haddii ay internetka ku soo dalbato.

Guddiga soo saaray Warbixinta ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen in qaar badan oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ay gacanta ku wada dhigeen baasaboorka cusub ee Soomaaliya qeybihiisa kala duwan, waxayna si toos ah u tibaaxday warbixintu in saraakiisha Al-Shabaab badankood uu midkiiba leeyahay laba baasaboor oo kan cusub ah iyo wax kasii badan, iyadoo ay lasocdaan weliba madax badan oo dowladda ka tirsan.

Guddiga Qaramada Midoobay ee laga soo qalin daaray warbixintaan ayaa sheegay in ay howshaan si toos ah ugu wada lug yeesheen Madaxweynaha, Gudoomiyaha baarlamaanka, R/Wasaaraha, Taliyaha waaxda socdaalka iyo rag dulaaliin gacan saar dhow la leh madaxdaas sare.

Warbixinta oo ka hadlaysa in cid kastaahi qaadan karto ayaa tusaale u soo qaadatay afhayeenka xarakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo ay sheeggtay in ay xaqiijiyeen inuu heysto 3 baasaboor oo laba ka mid ah ay yihiin kuwa diblomaasiyiintu ku safraan.

Guddiga ayaa sidoo kale warbixintooda ku sheegay in ay xaqiijiyeen in Baasaboorka Diblomaasiga loo sameeyay Soomaali fara badan oo aan diplomaasiyiin ahayn, iyadoo ay sidaas warqado qoraah ah ku amreen magareeshinka madaxda Sare ee dowladda, sida Sheikh Shariif, Shariif Xasan iyo C/weli.

Waxay tusaale u soo qaateen, in 2 baasaboor oo kuwa diblomaasiga ah loo sameeyay Axmad Nuur Cali Jimcaale, milkiliha shirkaddii Albarakaat, kaas oo ay saarneyd cunaqabateyn caalami ah, isagoo weliba Sheikh Shariif ula safray shirkii Turkiga┬á iyadoo uu xilligaas ka mid ahaa dadka aan loo ogoleyn in ay diyaarad raacaan. hay’adda ayaa qortay Lambarada baasaboorada uu haysto Jimcaale oo midkood uu dhacayo 2024, iyadoo baasabooradaas lagu sameeyay amar madaxweyne.

Guddiga Warbixintaan qoray ayaa sidoo kale sheegay in ay xaqiijiyeen in ay baasaboorkaas sidoo kale qaateen oo loo sameeyay dad badan oo aan u dhalan Soomaali, waxayna tusaale u soo qaateen nin u dhashay dalka Sudan oo lagu qabtay isagoo wata baasaboorkaas cusub hase yeeshee intii baaritaanka lagu hayay ay soo baxday inuu baasaboorka ninkaasi ku qaatay si toosan oo ay gacan ku siiyeen saraakiil sar sare oo ka tirsan 3-da xafiis ee dalka ugu sareeya, kuwaas oo muddo ka dib la ogaaday sida ay hay’addu sheegtay.

Warbixinta oo xiganaysa wareysiyo ay bixiyeen hay’adaha baasaboorka samayntiisa u xilsaaran ayaa sidoo kale xustay in xittaa loo sameeyay dad fara badan oo ku kala sugan daafaha adduunka oo aan lagaranayn cidda ay ahaayeen kuwaas oo qaabka online-ka loo yaqaan ku dalbaday, isla markaana madaxda sare ee dowladdu ay amar ku bixiyeen in aan fara laga qaado looga baahnayn dadka ku soo dalbada qaabka internetka, balse ay xoogaa ka lacag badan yihiin dadka caadiga u dalbada. HALKAAN KA AQRI WARBIXINTA OO DHAMEYS TIRAN.
SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: