Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda KMG Soomaaliya oo sheegtay in howgalladii laga sameeyay Muqdisho lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan Al-shabaab

Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howgallo ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qabqabtay dad badan oo xiriir la leh Xarakada Al-Shabaab.
Warsaxaafadeedkan oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta DKMG ah ayaa lagu sheegay in 89-qof oo ka mid ah dadkii la qabqabtay la ogaaday inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, kuwaasoo ay sheegtay inay u xiran yihiin dowladda.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay  in Qorshaha howlgalladan uu ahaa kuwo lagu sugayo ammaanka Muqdisho, laguna wiiqayo awoodda Al-shabaab-Al-Qaacida, maadaama loo diyaar garoobayo soo dhaweynta ergada ansixinta dastuurka iyo dhameystirka heshiiska Roadmap-ka oo wadada u xaareysa dowlad dhameystiran oo Soomaaliya ay yeelato.

Sida ay hoey u sheegeen Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howgalkan hoggaaminayay  in 500-qof lagu soo qabqabtay howgallada in ka badan 200-qofna lagu helay inay xiriir toos ah la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn waxa iska bedelay hadalkaas.

Dhanka kale degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli ka dhacaya qaraxyo iyo iska-horimaadyo, iyadoo dowladdu ay sheegtay inay boqolaal qof lagu soo qabqabtay howgallo laga sameeyay degmooyinka dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka DKMG ay howlgallo ka sameeyay degmada Balcad iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo qayb ka ah sida ay hadalka u dhigeen howgallo lagu raadinayo Al-shabaab.

Si kasta ha ahaatee waxaa waxay dowladda KMG ah ay sheegtay inay ka go’an tahay sidii loo sii wadi lahaa howgallada lagu sugayo ammaanka inta uu noqonayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya mid la isku halleyn karo.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: