Hay’adda WHO oo sheegtay in magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose uu si xun uga jiro Cudurka Daacuun Caloolaadka.

Hay’adda Caafimaadka Caalamka ee WHO ayaa sheegtay in dadka ku nool magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ee qaba cudurka daacuun Caloolaadka ay kordhaan tiradooda,sidaas darteed waxay walaac xooggan ka muujiyeen, sidii dadkaas loo gaarsin lahaa gargaarka Caafimaad ee ay u baahan yihiin, maadaama deegaankaas ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Hay’addu waxay warbixintan soo saartay shalay oo Jimcahay  ahayd waxayna sheegtay in ku dhowaad 700 qof oo qaba cudurka daacuunka lagu arkay Kismaayo sannadkan, dadkaasna ay u badan yihiin caruur da’doodu ka yar tahay siddeed sano.

Afhayeenadda WHO Pieter Desloovere ayaa sheegtay in deegaana “Cabdi weyn“ ay jirtay maalmihii ugu dambeeyay dad badan oo lagu arkay  daacuunka oo si ba’an u soo ridatay, waxana intaas ku dartay in hadalka ay baahinaysa ay ku doonayso in la caawiyo dadka uu cudurka soo ridanayo.

Sidoo kale Hay’adda WHO ayaa waxay warbixinteeda ku sheegtay in isbitaalka guud ee Kismaayo la dhigo toddobaad walba 40-qof oo qaba cudurka daacuunka, taasoo ay ku sheegtay inay tahay tiro aad u badan.

Sida ay sheegtay  hay’addu in Dadka daacuunka uu soo ridanayo ayaa intooda badan laga keeno deegaannada miyiga ah ee ka fog magaalooyinka, kuwaas oo ay sheegeen in aanay gaari karin hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka.

Sida la wada ogsoon yahay Cudurka daacuun Caloolka ayaa wuxuu dili karaa qofka uu ku dhaco haddii aan si dhaqso badan looga daweyn, waxaana hay’adaha caafimaadka ka shaqeeya ay ka digayaan in cudurkan uu ku fido magaalada Kismaayo.

Balse Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin cudurka ka dilaacay Kismaayo, halkaas oo ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM sheegayaan inay ka go’an tahay inay qabsadaan inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: