Xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo ay isku haystaan Urur diimeedyada iyo Dibad joogayaasha Soomaaliya.

Ololaha doorashada madaxweynanimada ee Soomaaliya ayaa dhowaan lagu wadaa inuu bilowdo, iyadoo xilkaasi ay xusul-duub ugu jiraan in ka badan 21 musharax, kuwaasoo dhamaantood hami uga jiro sidii maruun dhegahooda ugu soo dhici lahaayeen iney maqlaan Mudane Madaxweyne. HOOS KA AKHRI FAAH FAAHINTA

Xubnaha Musharaxiinta ah ayaa laga rabaa iney maanka ku hayaan, sidii dib u dhis, dhaqan-celin loogu sameyn lahaa dal bur-buray, dhaqaale liita iyo bulsho dhaawacan oo ay daashadeen dagaallo sokeeye mid diimeed iyo abaaro. “Siyaasaddu ma ahan kaliya raadinta jagada madaxweynanimada, iyadoo marnaan looga tagayo boosaska kale ee siyaasadeed ee dalka loogu shaqaynayo, bal nala eega Musharxiinta oo 12 ka mid ahi aan ku soo qaadanay faaladaan kooban xiligaan kala guurka ah. HALKAAN KA AQRI TAARIIKHDA URUR DIIMEEDYADA SOOMAALIYA IYO SIDA AY U KALA FARCAMAAN

MUSHARAXIINTA UGU CAD CAD ILAA IYO HADDA


1)- Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay masharaxnimadiisa uu ku doonayo inuu ku sii fadhiyo kursiga madaxweynenimo, wuxuu ka tirsan yahay urur diimeedka Aala Sheekh oo ka farcamay ururkii Akhwaanu Muslimiinka, wuxuu ahaa gudoomiyihii midowga maxkamadaha iyo ururkii Asmara ee ARS.

2)- Maxamad C/llaahi Farmaajo, R/Wasaarihii hore ee Somaaliya ayaa ka mid ah, kuwa ugu cad cad musharixiinta madaxtinimada u taagan, uguna cad cad xilligaan, isagoo ah ninka ugu taageerada badan gudaha shacabka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda iyo beesha caalamka oo uu taageero weyn ka haysto sidoo kale.

3)- Shariif Xasan Sh.Aadan, Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka, wuxuu xiligaan u taagan yahay inuu qabto xilka Madaxtinimada dalka, haddii uu waayana waa inuusan seereyn kan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay ula mmuqato inuu mar hore xalaaleystay, waxaa ku taagan eedo loo heysto xiliyadii uu ahaa Wasiirka Maaliyada xiligaasii oo uu lunsaday lacago kor u dhaafaya 80 milyan oo US $ ah, sidoo kale intii uu hayay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ka baaqsaday inuu Xildhibaanada mideeyo isla markaasna baarlamaanka horkeeno xeerar badan oo loo baahnaa in xiligaan kala guurka ah ay wax ka taraan, Shariif Sakiin ayaa heshiisyo hoose la wada gaaray Shariif Axmed & Cabdiweli gaas si uu weli saameyn ugu yeesho xiliga kala guurka.

4)- Col.Cabdulaahi Caddow, waa Carkow da’a ah xiligaan kala guurka ahna da’diisa ayaa caqabada ugu weyn ee ka hortaagan inuu xilka qabto, inkastoo uusan teegeero ka heysan Beelaha uu ka soo jeedo, hadana waa laga yaabaa inuu nidaam iyo kala dambeyn uu dalka ku hago hadiiba uu ku soo baxo inuu ku guuleysto tartankaasi.

5)- Cali Maxamed Geedi, Wasiirkii 1aad ee Dowlada Imbagati ee dalka u oggolaatay iney Ciidamada Ethiopia ay dalka soo galaan, wuxuuna weli ku taamayaa inuu xilka qabto waana dhaqaale doon, muddo ayuu ku meehanabaayay magaalada Nairobi oo uu ka degan yahay Guri-weyn oo uu iibsaday xiligii uu ahaa Wasiirka 1aad ee Dowlada Marxuum Col.C/lahi Yuusuf.

6)- Cabdirahman Cabdishakuur, waa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii KMG ahaa ee burburay, wuxuu soo noqday wasiirka qorsheynta iyo arimaha caalamiha ah, wuxuuna ahaa wasiirkii saxiixay, heshiiskii muranka lagu geliyey badda Soomaaliya, kaas oo ay sidoo kale ku lug lahaayeen wasiiro kale oo lagu wada eedeeyay iney iibsadeen bada Somaliya, haatana waxaa hami kaga jiraa inuu mar kale ka macaasho, wixii uu awoodi karo ee dhibaateynaya Shacbiga.

7)- Axmed Ismaaciil Samantar, waa aqoonyahan qurba joog ah, wuxuu ku tartamayaa xisbi ay dhowaan sameeyeen isaga iyo kooxn kale oo qurba joog u badan ayna sidoo kale ka mid yihiin guda joogtu, waxayna dhowaan xafiis ka furteen magaalada Muqdisho, wuxuu caan ku yahay in aragti kasta oo aan tiisa ahayn uu mucaarado.

8) Maxamed Maxamuud Guuleed ‘Gacmadheere, Waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka KMG ah. Sanadkii 2000 wuxuu ku tartamay doorashadii ka dhacday Jabuuti, Dawladii KMG ee Nairobi lagu soo dhisayna xilal wasiirnimo ayuu ka qabtay gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha.

9)- Dr. C/raxman M. C/llaahi Baadiyoow, Wuxuu ka yimid Canada. Wuxuu ka tirsan yahay guddiga sare ee maamulka Jaamacadda Muqdisho, sidoo kale waa xubin sare oo ka mid ah Urur-Diineedka Al-Islaax, wuxuuna ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tagaan qabashada xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya.

10)- Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ka mid yahay taageerayaasha ururka Al-Islaax, Waana hogaamiyaa Xisbi lagu magacaabay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ‘PDP’, wuxuu ka mid yahay qurbejoogta ka soo laabatay Canada. Wuxuu mudo dheer ahaa madaxa Jaamacada SIMAD, wuxuu sidoo kale ka tirsan yahay garab ka mid ah kuwo tirada badan ee bulshada rayidka ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

11)- Saciid Sheekhdoon, waa xubin ka mid ah ururka Ahlusunna Waljameeca, waana ganacsade, maaha nin aad loo garanayo oo siyaasadda iyo arrimaha kala duwan ee Soomaaliya ka dhex muuqday.

12)-Xuseen Khaliif, Wuxuu ka tirsanaa ururkii kala burburay ee Akhwaanu Muslimiin, waxaana lasheegaa inuu labaatankii Sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Al-itxaad, Musharaxaan ayaa ka soo shaqeeyay Bangi Islaami ah oo ku yaalla dalka Sacuudiga oo uu muddo badan ku noolaa.

13) – Maslax Maxamed Siyaad Waa wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dawladii militariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Maslax wuxuu ka mid ahaa taliyaashii ciidanka Soomaaliya sanadihii uu aabihiis xukunka hayey. Doorashadii madaxtinimada DKMG Soomaaliya ee Jabuuti ka dhacday Janaayo 2009 ayuu u tartamay Maslax, hase yeeshee waxaa ka guuleystay Shariif Sheekh Axmad.

14)- C/laahi Axmed Cadow Wuxuu ka mid ahaa musharixiintii la tartantay, C/Qaasim Salaad Xasan iyo Marxuum C/laahi Yuusuf sanadihii 2000 iyo tii 2004 doorashadii ka dhacday Nairobi. Wuxuu diblomaasi ka noqday safaaradda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, marna wasiir arimo dibadeed ayuu noqday.
Caddow waa nin da’ ah mudo dheerna wuxuu deganaa Mareykanka, dhowaan ayuu ku soo laabtay Muqdisho isagoo shaaciyey musharaxnimadiisa.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: