Baarlamanka Jaamacada Carabta oo baaq u jeediyay wadamada Carabta in sida ugu dhaqsiyaha badan loo taagukeeyo dadka Soomaaliyeed.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta Dr. Cali Saalim ayaa waxaa uu baaq u jeediyay dowladaha Carabta, isla markaana ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo taakuleeyo dadka Soomaaliyeed ee muddada dheer la daala dhacaya dhibaatada.

Guddoomiyaha Barlamaanka Jaamacada Carabta Dr Cali saalim ayaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in 2.5 million oo soomaali ah ay la dhibaatoonayaan cunno la’aan iyo caafimaad darro ay ka dhexleen abaartii sanadkii la soo dhaafay ku dhufatay qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.

Dr. Cali Saalim warsaxaafadeedkiisa sii watay wuxuu yiri: “Xaqiiqdii wadamada Carabta aad ayay uga gaabiyeen inay caawiyaan walaalahooda dhibaateesan ee Soomaaliyeed, Baarlamanka Carabtana arinkaasi aad ayuu u cambaareenayaa, waa in sida ugu dhaqsiyada badan wadamada carabta ay isaga meeraan cambaareynta Soomaalida ay u soo jeedinayso islamarkaana si dhaqsi ah kolonyo gar gaar ah ugu diraan dalka Soomaaliya.”

Sidoo kale Madaxa barlamaanka jaamacadda Carabta ayaa warsaxaafadeedkisa ku sheegay inay weli muuqato raadadkii abaarta sidaa darteedna wadamada Carabta looga baahanyahay in howlo caafimaad iyo mid cuunaba ay ka fuliyaan dalka Somalia si looga kabsado abaarta.

Warsaxaafadeedka Dr Cali saalim ayaa lagu sheegay in lama huraan ay tahay in maalmaha soo socda isbedel laga dareemo wadamada carabta oo si deg deg ah ay gar gaar ula gaaran walaalahooda soomaaliyeed.

Sida la wada ogsoon yahay Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay ururka jaamacadda Carabta hase yeeshee, haddana waxaan jirin taageero muuqata oo jaamacadda Carabta ay siiso dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: