Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaiya oo sheegtay in uu dib u dhacay shirkii ergada ansixinta Dastuurka.

Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu dib u dhac ku yimid shirkii ergada ansixinta Dastuurka ee maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha Gudaha Cabdi Cali Xasan oo saaka la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in cillad farsamo awgeed uu dib u dhac ku yimid shirkii ergooyinka Ansixinta Dastuurka ee maanta ka furmi lahaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaa ku daray in aan wali la dhameystirin kaararka aqoonsiga ee ergada shirka iyo isku dubaridka howlaha shirkaasi, isago tilmaamay in shirka uu dib u dhacay, isla markaana sida uu furmi doono 23-ka isla Bishan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: