Ciidanka Nabadsugida Qaranka oo Soo bandhigeen hub Iyo Maleeshiyaad Ka Tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada Nabadb sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub iyo dhalinyaro ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo qabtay dagmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Nabadsugiidda Gobalka Banaadir Qaliif Axmed Erag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar ay xalay kooxda Al-shabaab ku qaadeen xurun ay ciidanka nabadsugidda ku lahaayeen dagmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale Taliyuhu wuxuu xusay in ciidamadu ay ahaayeen kuwo feejigan sidaa daraadeedna ay fashiliyeen ka hor inta ay weerarka ku qaadin xarunta ay ciidamadu ku lahaayeen dagmaadaasi.

Taliye Khaliif Axmed Erag ayaa wuxuu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday iyo hub ay wateen waxa uuna carabka ku dhuftay in hubka ay weerarka ku soo qaadeen ay ahaayeen qoryo ay ka soo saareen dhul hoostiisa.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: