Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la wareegay deegaanka Laanta Buur iyo Garoonka Diyaaradaha N°50 ee ka tirsan G/Sh/Hoose.

War naga soo gaaray magaalada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Amisom ayaa saakay la wareegay xabsigii Laanta Buur oo saldhig ciidan u aheyd malleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

War wuxuu intaa ku darayaa in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa saaka u dhaqaaqay deegaanka Laanta Buuro oo ay fariisin ciidan ku lahaayeen malleeshiyaadka Shabaab, iska hor’imaad kooban kadib ciidamadu waxa ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Laanta buuro sida ay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaasi.

Sida warku lagu sheegay waxaay ciidamadu  halkaasi kula wareegeen gaadiid dagaal, hub iyo saanad ciidan oo ay ka furteen malleeshiyaadka shabaab iyadoo halkaasi lagu arkay meydad ay halkaasi ugu carareen kooxdaasi.

Waxaa kaloo ay wararku ay sheegayaan Ciidamada dowladda oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM in maanta ay la wareegeen deegaanka laanta Buuro, kadibna ay gacanta ku dhigeen Garoonka diyaaradaha Lambar 50 ee gobolka Sh/hoose.

Taliyaha Hoggaanka howlgelinta ciidamada Cali Careeye Cosoble oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay saakay la wareegaan daagaanadaasi waxa uuna intaa ku daray in ay dileen 11 qof ayna gacanta ku dhigeen Sedax ka mid ah maleeshiyaadkii dagaalameysay.

General Cali Caraaye Cosoble ayaa sheegay in shacabka dagan daaganadaasi ay ciidamada gacan ka siinayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan haraadiga kooxda Al-shabaab.

SomaliSwiss      Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: