Ciidamada Militiriga Soomaaliya oo howlgalo lagu baacsanayo Tuugada ka sameyeen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya ayaa Xalay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ka wada howlgalo lagula dagaalamayo tuugada, Ciidamadan ayaa waxaa ay howl galkooda ka sameeyeen xaafadaha Juungal, Fagax, Siisii iyo xaafada Towfiiq oo dhammaan ka wada tirsan degmada Yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho.

Sida la wada ogsoonyaha hawlgalkaan ayaa waxaa lagu go’aamiyey shir looga hadlayey sidii loo sugi lahaa Xaaladda nabadgalyo ee caasimadda muqdisho iyadoo uu shirkaasina ka dhacay maalintii shalay hotelka Lafweyn ee ee degmadda Kaaraan.

Waxaana Shirkaasi  isugu yimaaday,waxgaradka,maamulka degmada,kan gobolka iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, sidoo kale shirkaas ayaa waxaa si wadajir ah isugu raacay in lala dagaalammo cid walba oo amniga lid ku ah.
Si kasta ha ahaatee Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa wali wax faah faahin ka bixinin howlgalkan sida uu u socdo, waxaase ay ballan qaadeen iney saacadaha soo socda saxaafadda usoo bandhigi doonaan natiijada howlgalkan lagula dagaalamayo kooxo xiliyada habeenkii ah dhibaatadda u geysanaya dadka xaafadahaasi ku nool.

SomaliSwiss          Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: