Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka digay in la carqaladeeyo howlaha socda ee Soomaaliya ee loogu gudbayo Ku Meel Gaarnimada.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa uga digay cid walba oo isku dayda inay carqaladayso hanaanka geedi-socodka ah ee looga baxayo xilliga kala guurka.
Sidoo kale Danjire Mahiga, ayaa  sheegay inuu u diray Soomaalida dibadaha ku nool warqad ah , isagoo tilmaamay in xilligan kaddib aysan beesha caalamku u dul-qaadan doonin in la carqaladeeyo qorshaha hadda socda ee la doonayo in dalka looga saaro KMG-nimada; loona gudbo dawlad joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato.
Mahiga oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Uma dul-qaadan doonno cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso howsha socota ee looga baxayo xilliga kala guurka ah,” wuxuuna intaas ku daray in xisbiyada siyaasadeed iyo shaqsiyaadka kale oo doonaya inay doorashooyin ka dhacaya dalka ku abuuraan qas ay beesha caalamku ka qaadi doonto tallaabo adag.
Dhanka kale, Mahiga ayaa ka dalbaday qurbo-joogta Soomaalida inay dooorkooda ka qaataan dadaallada la doonayo in Soomaaliya ay ku gaarto dowlad dhameystiran ayna ka baxdo xiliga KMG ah, isagoo tilmaamay in la joogo waqtigii ay Soomaalida dibadaha jooga gacan ka geysan lahaayeen mustaqbalka dalkooda.
Mudane Mahiga ayaa u caddeeyey Soomaalida in horay ay Qaramada Midoobay u sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto ciddii isku dayda inay hor-istaag ku sameyso Roadmap-ka; waxaana amarkan loo soo saaray si loo taageero qorshayaasha Roadmap-ka iyo howlaha socda.”
Si kasta ha ahaatee  hadalka Danjire Mahiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay lix toddobaad ka harsan tahay xilliga ay shaqeynayso Dowladda KMG ah ayna socdaan dadaallo ay dowladda KMG ah ku doonayso inay ku dhameystirto qorshaha looga gudbayo ku-meel-gaarnimada.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: