Shir-sanadeedkii Beesha Gaaljecel ee Waddanka Switzerland oo ka dhacay magaalada Zürich.

Waxaa Maalin Axad ahayd, Taariikhduna ku beegneyd 08. 07. 2010  ka dhacay Magaalada Zürich ee Caasimadda labaad Wadanka Switzerland Shirweynihii 9-aad ee Jaaliyadda  Goboldka Hiiraan  ee ku dhaqan wadanka Switzerland oo Sanadkiiba mar la qabto, HOOS KA DAAWO SAWIRA KALEShirweynahan oo ay ka soo qeyb galeen dad ka kala yimid dhamaan kantonada uu ka kooban yahay wadanka Swiss-ka.

Furitaanka Shirweynaha ayaa waxaa ugu horreyntii ka hadlay Guddoomiyaha Beesha Gaaljecel Mudane Nuur Nuunow, wuxuuna ka hadlay wax qabadkii muddada Sanadka ahayd iyo xaaladaha guud ee uu wadanka Soomaaliya maraya iyo waxyaabaha ka soo cusboonaaday Beesha.

Sidoo kale waxaa si weyn looga hadlay, looguna dooday wax qabadka Guddiga Beesha muddadii sananka ahayd ee la soo dhaafay iyo wixii Guddiga Jaaliyadu ay qabateen, iyadoo loo soo bandhigay Aaraa kala duwan oo ku saabsan waxyaabihii dhacay muddadii Sanadka ahayd.

Waxaa kaloo laga dooday, isla markaasna laysla meel dhigay arrimo badan ee ku saabsan xeerka Beesha Gaaljecel ee dalkan Switzerland, waxaana kulankan lagu xalliyey wixii mugdi ahaa ee ka jiray beesha dhexdeeda, hase yeeshee Beesha Gaaljecel ee waddanka Switzerlanda, isku raacday in shirkan kan ku xiga la keeno xeerka Beesha oo qoraal ah.

Dhanka kale Waxaa lagu heshiyey in shirka danbe lagu qabto magaalada Olten ee Kanton Solothon, waxaaba shirka ku dhamaaday si farxad badan

SomaliSwiss        Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: