Odayaal dhaqameed laga saaray madasha Shirka ka socda Muqdisho. (Maxey tahay Sababta?)

Waxaa aad u kordhaya xiisadaha iyo khlaafaadka Odayaasha Dhaqanka ee beelaha qaar, iyadoo Saraakiisha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Xafiiska UNPOS ay culeyso xoogan kala kulmayaan sidii goobta looga saari lahaa Odayaasha la isku heysto ee ka qeyb galaaya Kulankaasi.

Xogtan ayaa tilmaamtay in gudiga garwadeenka ka ah xalinta arimaha khilaafka ka taagan yahay ee odayaal dhaqameedyada been abuurka ah, ay sheegeen in ilaa 15 xubnood oo labo ka mid ah shalay laga saaray shirka, kuwaasoo ka soojeeda Gobolka Sh/hoose, waxaana la sheegay iney ka trisan yihiin Beelaha Tunni & Jiido, iyadoo 13-ka xubnood ooo Odayaasha Dhaqanka ay weli doodooda ay taagan tahay.

Xubnahan labada ah ayaa guddiga xallinta khilaafaadka ku wargeliyeen inay dib ugu laabtaan beelahooda ayna kala soo tashadaan cida u meteleysa shirka odayaal dhaqameedka Soomaalida ay ku leeyihiin Muqdisho, inta ka horeysana aaney ka soo qeybgali karin shirka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xubnahaani uu ka shakiyay Afhayeenkii hore ee Baarlmakaanka Mr.Shariif Sakiin, isla markaasan uu culeysyo ku saaray Mr. Shariif Sheekhunaa oo ah Taliyaha Boliiska oo ka soo jeeda Beesha Tunni inuu bedelo xubin ay soo dirsadeen, halka beesha Jiido uu u adeegsaday Xafiiska UNPOS.

Dhanka kale siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda beelaha odayaasha qaar ee la isku heysto ayaa ku dooday in haddii wax la saxayo loo baahan yahay in odayaasha intooda badan dib loogu laabto balse aan farta lagu godin beelo gaar ah, waxeyna ku eedeeyeen Saraakiisha Wasaarada Arrimaha Gudaha ineysan qaab cadaalad ah u soo xulin Odayaasha, balse ay ka talo qaateen qaar ka mid ah 6-da saxiixayaasha.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: