Waxaa maalintii Axadda ahayd la qabtay Ciyaaro kubadda Cagta ah oo lagu maamusayey xuska maalinta xoriyadda ee dalka Soomaaliya ee 1-da Lulliyo, waxaana ciyaar aad u xiisa badan ay dhexmartay labo kooxood oo ka kala socday gobolLada Basel iyo Zurich ee dalka Switzerland, kuwaasi oo ah ugu cadcad Koxaha ka jira dalkan Swiss-ka. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Mamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee labadaasi gobol ayaa soo agaasimay ciyaartan lagu maamuusayey xuska maalmaha Qaran, gaar ahaan maalinta qaranimada Soomaaliyeed ee 1-da Luulyo, ciyaartan waxaa marti galisay Maamulka Sportiga magaalada Zurich.
Koobkan oo ay ka soo qaybgaleen qaybo ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee labada gobol ee Basel iyo Zurich, una badnaa dhallinyaro iyo bahda Sportska.
Intaan ciyaartu billaaban ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ka hadleen muhiimadda iyo qiimaha ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed iyo halgankii loo soo maray maalmaha xoriyadda iyo qaranimada Soomaaliyeed, waxayna si weyn ugu nuuxnuuxsadeen inay lama huraan tahay in la xuso la qaddariyo lana qiimeeyo maalintan.
Waxaa ka mid ahaa waxgaradka ka hadlay goobta Garsoore Maxamed Cali Xaaji oo wakiil ka ahaa Gudoomiyaha Isboortiga ee jaaliyadda Zürich Mudane Xasan Maxamed Cumar (Madax) iyo Gudoomiyaha jaaliyadda Kanton Zürich Marwo Xaawo Nuur muudeey, ugu horrayntii wuxuu ku soo dhaweeyay magaalada Zürich ciyaartooydii & martidii u soo daawasho tagtay, kadibna wuxuu si faahfaahsan ugu hadlay Maalinta 1da Luuliyo waxa ay tahay, sida ay ku timid iyo wixii loo soo maray intaba.
Si kasta ha ahaatee dadkii ka hadlay Munaasabaddaas waxay dhallinyarada ku booriyeen in tartammada noocan oo kale ah ee xiisaha badan la joogteeyo,waxaana dhallinyarada loo ballan qaaday in waxgaradka ay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin.
Intaas kadib, wuxuu ku soo dhaweeyay Cabbaas Xaaji Cabdullaahi, oo isna ka socday Odayaasha Caasimadda Swiss-ka, ee Berna mudane Cabbaas ayaa dhallinyarada ugu hadlay kowda Luuliyo iyo waxa ay ka mudan tahay ummada Soomaaliyeed, una sheegay in uu 5 beri ka hor uu Muqadisho ka soo laabtay, wadankiina ku soo arkay isbaddal xoog leh, ayna la gudboon tahay waa dhallinyaradee inay ku farxaan, waxayna Garoonka galeen iyagoo wajogoodu farxadi ka muuqato.
Hase yeeshee intaas Ka dib waxaa billaabatay ciyaartii, iyadoo wareeggii hore, ee ciyaarta lagu kala maray 2 :0 Goal oo ay lahaayeen kooxda Fc Somali Zurich.
Markii laysugu soo noqday ciyaarta qaybtii labaad, ayaa waxaa haddana weerar iyo weerar celis ka dhex billowday ciyaartoowdii oo labada dhinacba ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiisa badnaynd aadna ay daawadayaashu ula dhaceen.
Waxaa ugu danbayn ciyaartu ku dhammaatay 5:2 oo ay guushu ku raacday FC Somali Zurich 5 Goal in kastoo ay dedaaleen kooxda kale haddana ma aysan keenin guushii looga baahnaa, koobkana sidaa lagu guddoon siiyey.
Laaciibka ugu wanaagsan ayaa waxaa loo gartay ciyaartoyga No 7aad ee kooxda Basel Amiin Suuleey, halka Goolhayiihii ugu wanaagsanaa loo gartay Goolhayaha kooxda Basel.
Gunaanadkii waxaa dhallinyarada la dardaarmay Suldaan Cabdi Cali Caraaye, isagoo ka codsaday in ay sidaas iyo si ka sii fiican u tartamaan maalmaha ummadda xusuusta ku leh, Suldaanka ayaa Kabtanka Kooda Zürich Khliif Cabdiyare Maxamed Koobka gudduun siiyey, sidaana ku soo idlaatay ciyaartii. Mahaan ka fiirso sawirada intooda kale.
SomaliSwiss    Zürich
Filed under: Dhicisow |
You must be logged in to post a comment.