Bulshada ku dhaqan degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere ee gobolka Gedo ayaa la sheegayaa in ay dareemeen dhaqdhaqaaq Militeri oo ku soo wajahan deegaannadaas, kadib markii ay halkaasi u dhaqaaqeen cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS oo dhawaan soo dhameystay tababar ciidan.
Saraakaal ka tirsan ciidamada XDS ayaa Warbaahinta u sheegay u sheegay in saacadaha soo socda ay ciidamada XDS la wareegi doonaan degmooyinka Buurdhuubo, Baardheere iyo magaalada Kismaayo oo ah meelaha ay ku xoogbadanyihiin malleeshiyaadka Shabaab, iyadoo ay haatan deegaannadaasi ku sii wajahanyihiin ciidamo ka tirsan XDS oo aad u heysan isla markaana dhawaan tababar ku soo dhameystay ggudaha degmada Dowlow.
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa isna rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegidoonaan deegaannada Buurdhuubo iyo Baardheere oo ah Labada meelood ee malleeshiyaadka Alqaacidda kaga suganyihiin gobolkaasi, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay saacadaha soo socda xoreyndoonaan deegaannada ka magan gacanta maamulka gobolka Gedo.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.