Madaxweynaha KMG Soomaaliya oo Bankiga Hormarinta Soomaaliya u magacaabay Guddoomiyaha Cusub.

Madaxweynaha KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa wareegta si rasmi Xilka Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliya ugu magacaabay Xildhibaan C/llaahi Axmed Afrax. HOOS KA AKHRI WAREEGTADA

Wareegtada ka soo baxaday xafiiska Madaxweynaha KMG Soomaaliya ayaa waxa ay u qorney sidatan.

Xeer Madaxweynaha J.S LR. 236 taariikh 07/7/2012

Magacaabid guddoomiyaha Bangiga hormarinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha J.S

Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2aad iyo qodobka 44aad farqada 1aad xarafka “E” ee axdiga fKMG Soomaaliyeed.

Markuu arkay; xeerka LR. 25aad ee 30/4/1970

Markuu arkay; xeerka sharciga ee shaqaalaha rayidka dowladda Lr. 11 ee soo baxay 5 desember ee 2006.

Markuu arkay; xeerka Madaxweyne Lr. 130 ee 22/4/2012 kuna saabsan sharciga bankiga dhexe iyo sharciga hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya.

Markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka koowaad ee xukuumadda FKMG kuna xusan warqada tixraaca Lr. X.R.W 680 06/2012 ee 19/06/2012.

Wuxuu soo saaray xeerkan

Qodobka 1aad

Waxaa maanta oo ah 07/07/2012 loomagacaabay Prof Cabdulaahi Axmed Afrax jagada guddoomiyaha bankiga hormarinta Soomaaliyeed.

Qodobka 2aad

Mudanaha ku tilmaaman xeerkan waxaa lagu maamuusayaa xuquuqda iyo waajibaadkiisa sida uu qabo xeerka sharciga shaqaalaha rayidka Lr 11 ee soo baxay 5 desembar 2006 .

Qodobka 3aad

Xeerkaan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiinaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: