Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inla doonayo in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid lagu simayo diinta Islaamka iyo Masiixiyadda.

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in dastuurka cusub uu noqdo mid u siman diimaha masiixiga iyo Islaamka, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka hortagaan qorshahaas.

Sidoo kale Afhayeenka oo saxaafadda kula hadlay degmada Marka ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in qorshahan lagu simayo diinta Islaamka iyo masiixiga ay wadaan dalalka caawiya dowladda KMG ah.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri:”Gaaladu si cad ay u sheegeen inay doonayaan in Soomaaliya lagu faafiyo diinta kirishtaanka, ayna la mid noqto diinta Islaamka, sidoo kalena ay sinnaadaan masjidka iyo kaniisadda, innaguna ma ogolin.”

Sheekh Cali Dheere wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay arrintaas ka hortagaan, isagoo carrabka ku dhajiyay in goor hore ay iyagu sheegeen in maalka lagu bixinayo Soomaaliya ay ka dambeyso sidii ay diinta kirishtaanka ugu faafin lahaayeen dalka..
Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in dadka lagu qabqabto howgallada ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kawadaan Muqdisho la iibsado, iyadoo afhayeenku uu sheegay inaysan dadkaas ku jirin xubno ka tirsan Al-shabaab.

Si kasta ha ahaatee hadalka Afhayeenka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay saraakiisha dowladda KMG ah sheegeen in howgallo ay ka sameyeeen Muqdisho lagu soo qabtay boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasoo baaritaanno lagu sameynayo

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwis@hotmail.com

%d bloggers like this: