Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey in ka badan 20 arday oo ka qelin jebisay Jaamacada Soomaaliya (University of Somalia) oo ka dhacday Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey in ka badan 20 arday oo ka qelin jebisay Jaamacada Soomaaliya (University of Somalia) oo ka mid ah tiro jaamacado ah oo ku yaala magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Munaasabadaas oo ay ka qeyb galeen maamulka, macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta ardayda wax ka barata Jaamacadaas ayaa waxaa ka hadlay xubno kala duwan oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay waxbarashada iyo sida loo baahan yahay in loogu dedaalo.

Masuul ka tirsan maamulka Jaamacadda Somalia oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in ay dedaal badan u galeen iyaga iyo macalimiinta Jaamacadaas sidii ay u soo saari lahaayeen arday soo qaadatay waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadeysa mid caalamka.

“Waxaan kula dardaarmayaa ardayda maanta halkan shahaadooyinka lagu gudoonsiiyey ee ka qalin jebiyey Jaamacadda Somalia ineysan meel cidllo ah uga tegin aqoontii ay barteen kuna dedaalaan iney sii kororsadaan, kuwa aan fursada ay heleen aan helina uga faa’iideeyaan” ayuu intaa ku daray masuulkaas ka tirsan Jaamacadda Somalia.

Waxaa sidoo kale munaasabadaas ka hadlay xubno ka socday wasaarada waxbarashada ee dowlada KMG ah iyo kuwo kale oo ku kala hadlayey magaca ardayda qelin jebisay iyo macalimiinta, iyadoo ardayda maanta ka qelin jebisay Jaaamacada Somalia la gudoonsiiyey shahaadada loo yaqaano Master Degree waxaa la sheegay iney barteen maadooyin ay ka mid yihiin maamulka iyo ganacsiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: