Wariye C/qaadir Cumar Cabdullle oo habeenimadii xalay lagu dhaawacay magaalada Muqdisho ayaa iminka lasheegay in ay xaaladiisa caafimaad soo hagaagayso, sida ay cadeeyeen takhaatiirta Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRO KALE
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay halkaasi ayaa sheegay in xaaladda wariyaha ay hagaagsan tahay isla markaana ay la tacaaleen xaaladiisa.
Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Xaalada Wariyahaasi ay wanaagsan tahay, isagoona xaqiijiyey in Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ay ku guuleysteen qaliin dhanka Caloosha ay kaga sameeyeen iyo lugta.
“Waxaa ka go’ay Xididka Halbowlaha laakiin dhaqaatiirta ayaa si wanaagsan ula tacaalay isla markaana ku guuleystay qaliinkii guud” ayuu yiri mid kamid ah wariyayaasha ka howlgala Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale Ispitaalka Madiina soo buux dhaafiyay Wasiiro, Xildhibaano iyo Wariyeyaal aad u fara badan oo ka howl gala gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ay cambaareeyeen dhaawaca loo geystay Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle.
Si kasta ha ahaatee weerarka lagu dhaawacay xalay Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa qeyb ka ah falalka ka dhanka ah Wariyayaaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala caasimada magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.