Taliska ciidamada AMISOM oo afhayeen cusub u doortay Sarkaal ka tisan ciidamada wadanka Jabuuti.

Afhayeenka cusub ee AMISOM ayaa loo magacaabay in uu noqdo G/sare Cali Aadan Xaamud,  jagadaasi oo uu horay u hayay afhayeenkii hore ee AMISOM Col. Paddy Ankunda oo u dhashay wadanka Uganda.

Sarkaalkan Jabuutiyaanka ah ayaa ka hadlay munaasabaddii lagu magacaabay oo ka dhacday taliska guud ee ciidamada AMISOM ee ay ku leeyihiin xarunta Xalane, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu noqdo afhayeenka cusub ee ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

“Inaan Afka Soomaaliga ku hadlo waan ku faraxsanahay, Soomaalidu si wanaagsan ii fahmi doonaan, waxaana soo gudbin doonaa howlgalladu meesha ay marayaanna” ayuu yiri G/sare Cali Aadan Xaamud oo la hadlaayay Warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Col. Paddy Ankunda Afhayeenkii hore ee Ciidamada AMISOM ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay afhayeenka cusub ee la magacaabay ciidamada Midowga Afrika, islamarkaana uu ka gacan siin doono Howshiisa.

Dhinaca kale Afhayeenka cusub ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan guulo laga gaari doono howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb qaadanaayaan Ciidamo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: