Wariye C/Qaadir Cumar Cabdule oo goordhow ay koox hubeysan ku dhaawaceen magaalada Muqdisho.

War goor dhow nag asoo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Caawa dhaawac u geysteen Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle oo markaasi ku sugnaa degmada wadajir ee gobolka Banaadir.

Labo qof oo ku hubeysan Baastoolado ayaa la sheegay in ay weerareen isla markaana dhaawac u geysteen Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle oo ku Suganaa Xaafadda Korontada ee degmada Wadajir.

Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle oo ka tirsan telefishinka Universal TV ayaa Xilliga la weerarayey waxaa uu ka soo rawaxay shaqadiisa, waxaana uu ku sugnaa iridka hore ee gurigiisa.

Dhaawaca Wariyaha yaa loo qaaday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa Caafimaad, isla markaana lagu daweynayo dhaawaciisa. Hadii aanu nahay Bahda Warbaahinta gaar ahaan SomaliSwiss waxaan u rajeyneynaa Wariye C/qaadir Cumar Cabdulle in illaahey dhaawaciisa uga dhigo mid fudud, Aamiin, Aamiin.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: