Mareykanka oo Cunaqabateyn ku soo rogay dad taageerayey Xarakada Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay 6 qof oo la sheegay in ay taageeraan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Argagasida Caalamiga ee Al-qacida.

Dadka lagu soo rogay Cuaqabateynta ayaa la sheegay in labo ka mid ah yihiin madaxda Eritrea, qofna uu u dhashay dalka Sudan iyo saddexda kale ay yihiin dad Kenyan ah.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda dowladda Maraykanka  in dadkaas laga xannibay hantidii ay lahaayeen, isla markaana aysan wax ganacsi ah la yeelan karin shirkadaha ganacsiga ama muwaadiniinta Maraykanka iyadoo looga danleeyahay sidii loo joojin lahaa dagaallada ka socda wadanka Soomaaliya iyo sidii loo baabi’in lahaa ururka Alshabaab.

War ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Maraykanka ay ka go’an inuu raadsado kuwa ka mas’uulka ka ah dhiigga daadanaya iyo xasilooni la’aanta ka jirta Soomaaliya iyo

Colonel Eretrean ah oo lagu magacaabo Tewolde Habte Negash oo ah sarkaal sirdoonka Eritrea ka mid ah kaasoo lacago u dira mucaaradka ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaaliya, sidaas waxaa lagu caddeeyey Warbixinta Wasaaradda Maaliyadda ee wadanka Mareykanka.

Sida horeyba loo sheeciyey in Col. Negash  uu ahaa maskaxdii ka dambaysay in dowlada Eritrea iyo Alshabaab ay xiriir yeeshaan sanadkii 2006-dii, waxana uu ahaa xiriiriye muhiim ah oo ah dhinaca maaliyada iyo taageerada logistikada qaar ka mid ah kooxo hubeysan oo ka jira Soomaaliya iyadoo ay ka mid tahay Ururka Alshabaab tan iyo sanadkii 2004.”

Sidoo kale qofka labaad ee xayiraada lagu soo rogay ayaa ah Col. Taeme Abraham Goitom oo la sheegay in uu xubin muhiim ah ka ahaa isbahaysigii dib u xoreynta Soomaliya kuwaas oo weli la dagaalamaya dowlada Soomaaliya, balse qofka Saddexaad ayaa magaciisa lagu sheegay Suhayl Salim Abd-El-Rahman, waxaana loo yaqaanay Abu Faris kaas oo ah muwaadin u dhashay dalka  Sudan oohaatan la sheegay inuu ku sugan yahay dalka Soomaaliya, kana taageera Xarakada Al-shabaab sidii gacan loo siin lahaa dagaalyahannada Ajaaniibta ah ee dooneysa in ay ku biirto Alshabaab.

Sidoo kale Saddexda qof kale ayaa ah Kenyan, waxaana lagu kala magacaabaa, Aboud Rogo Mohammed oo wadaad Islami ah, Omar Awadh Omar iyo Abubaker Sharif Ahmed oo la tilmaamay inay yihiin kuwo u fududeeya ururka Al-shabaab inay dhalinyaro qortaan.

Dhanka kale  Ninka la yiraahda Omar ayaa ku jira xabsi ku yaal dalka Uganda isagoo sugaya maxkamad kadib markii lagu eedeeyey inuu lug ku lahaa weerarkii lagu qaaday goobo laga daawanayay ciyaaraha adduunka bishii July11-keedii sanadkii 2010ka. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inuu ka dambeeyey weerarkaas oo ay ku dhinteen illaa iyo 74-qof.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: