Madaxweyne Shariif iyo Al-bashiirka Sudan oo xalay ku kulmay xarunta Madaxtooyada ee dalkaasi.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo booqasho ku jooga dalka Sudan ayaa xalay magaalada Khartuum kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi Cumar Xasan Al-bashir.

Sida lagu soo warramaya Kulanka labada Madaxweyne ayaa xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada dalka Sudan,  waxaana diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyo sidii Sudan ay u taageeri laheyd dowladda Somalia.

Wargeysyada ka soo baxa magaalada Caasimadda ah ee Khartuum ayaa waxaa lagu soo qoray in Madaxweyne Sheekh Shariif uu u sharaxay dhiggiisa dalkaas Mudane Bashiir horumarka  iyo isbedellada dalka ka dhacay iyo sidii dowladda Sudan ay u kordhin laheyd taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Sudan ay taageero dhan walba ah la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed isagoo dowladda ku ammaanay dadaalka ay muujisay.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Sudan ayaa taageero badan u fidisay shacabka Soomaaliyeed iyadoo kummanaan arday ah siisay deeqo waxbarasho kuwaas oo haatan wax ka barta Jaamacadaha dalkaasi halka kuwo kalena ay ka qalanjebiyeen.

SomaliSwiss    Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: