Heshiis dhexmaray Q.M. & Dowladda KMG Soomaaliya oo dalka Talyaaniga lagu kula saxiixday.

Xarunta Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Talyaaniga ayaa waxaa maanta heshiis ku kala saxiixday dowladda  KMG Soomaaliya & Qaramada Midoobay, waxaana heshiikaasi uu ku saabsanaa in mamnuuc laga dhigo askareynta caruurta yaryar, iyadoo dhinaca dowladda heshiiskaasi uu u saxiixay wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise.

Waxaa munaasabadda heshiiskaasi lagu saxiixayey goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Raiisul Wasaaraha Dowlada FKMG C/weli Maxamed Cali, Wasiirro, Xildhibaanno, iyo Xubno ka socday Maamullada Ahlu Sunna, Galmudug iyo Puntland.

wasiirka gaashaandhiga xukuumadda KMG soomaaliya oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Laga billaabo maanta dowladd Soomaaliya waxey ka mid noqoneysaa dalalka qaatay in ay ku dhaqmaan in la diido askareynta caruurta”, wuxuuna intaa ku daray in caruurta Soomaalida ay caruur ahaantoodalagu barbaariyo sida Caruurta kale ee Caalamka.

Si kasta ha ahaatee heshiiskan ayaa waxaa u saxiixay dhinaca UN ka wakiilka xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Mahiga, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto dalalka ay mamnuuc ka tahay askareynta caruurta.

SomaliSwiss    Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: