Ra’isal wasaaraha Kenya oo ku hanjabay in ciidankooda uu kusii sugnaan doono Soomaaliya.

Ra’isal wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa ku hanjabay in ciidamadooda uu kusii sugnaan doono Soomaaliya, isla markaana ay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xkooxda Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay weerarradii ka dhacay Gaarisa iyo weliba afduubyadii shaqaale gargaar oo ka tirsanaa hay’adda NRC.
Sidoo kale Raila Odinga wuxuu Caddeeyey in ciidamadooda ay ka baxi doonin ilaa laga adkaanayo Al-shabaab, ayna Soomaaliya nabad ka noqonayso, isagoo ku daray hadalkiisa in Soomaaliya aan looga tagayn colaadaha 20-ka sano ka jiray .
Ra’iisul wasaaraha Kenya oo shalay booqasho ku tegay magaalada Gaarisa oo dorraat ka dhacay qarax aad weyn oo ay ku dhinteen 17-qof, kuwaas oo lagu weeraray kaniisado ay ku cibaadeysanayey, Odinga oo arintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaanu doonaynaa in Soomaaliya ay noqoto nabad, 500,000 ee qoxootiga ah ee ku sugan Dhadhaabna dib loogu celin doono dalkooda.”
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Kenya ayaa hadalkan ka sheegay goob uu kula kulmay dad isugu jira muslimiin iyo kirishtaan ee ku dhaqan magaalada Gaarisa, hase ahaatee waxaa goobta ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Kalonzo Musyoka iyo wasiirka difaaca isla markana ah sii haya wasaaradda ammaanka gudaha ee Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji.
Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya, wuxuu muwaadaniinta dalka kenya ka codsaday inay u istaagaan sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada ammaanka loogana hortegi lahaa falalka la mid ah kuwii ka dhacay Gaarisa ee dadka badan ay waxyeellada kasoo gaartay.
Waxaa kaloo kulan ka dhacay magaalada Gaarisa ka hadlay Madaxda Muslimiinta Kenya oo iyaguna cambaareeyay fallka ka dhacay Gaarisa  iyagoo sheegay in diinta Islaamku aysan ogoleyn in dhibaatadaas oo kale la sameeyo, balse falkaas uu ahaa mid argagaxiso.

Sida la wada ogsoon yahay Xukuumadda Kenya ayaa dhowr jeer ku dhawaaqday inay  adkeynayso ammaanka xuduudda ay la wadaagto dalka Soomaaliya, balse Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Kenya ayaa sheegay in ujeeddada loo adkeynayo ammaanka xuduudda ay tahay in aysan soo laalaaban falalka amnidarrada ah ee ka dhaca gudaha dalkaasi.

Si kasta ha ha ahaatee deegaanno badan oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa laga dareemay tallaabada ay ciidamada Kenya ku adkeeynayaan ammaanka, waayo waxay  ciidamadu ay qabqabteen tiro dad ah oo aan iyagu heysan sharciga dalkaasi.

Ha yeeshee tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay shalay soo furteen la heystayaal ajaanib ah oo laga soo afduubtay xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

SomaliSwiss       Gaarisa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: