Taliye ku xigeenkii ciidanka Booliiska ee Maamulka Puntland oo xalay lagu dilay magaalada Garoowe.

War saakay naga soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay ku toogtay xalay taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska Puntland, G/sare Cabdullaahi Saalax Nadaalo, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta loo dilay iyo cida dilkiisa ka dambeysay.
Sida la sheegay Marxuumka la dilay ayaa waxaa xilkii taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska Puntland laga qaaday 01-dii bishan, wuxuuna dilkiisku ka dhacay agagaarka hoteel Bulshaale oo ku yaalla bartamaha Garoowe, iyadoo aan weli cidna loo qaban dilkiisa.

Dad ka ag-dhawaa Goobta arrintaas ka dhacay ayaa waxay  sheegeen  inay maqleen saddex xabbadood oo lagu dilay taliye ku xigeenka, iyadoo kooxihii dilkiisa ka dambeeyay ay si dhaqso ah goobta uga baxsadeen, waxaana tan iyo xalay socday baaritaanno ay sameynayeen ciidanka ammaanka Puntland.

Sida uu  sheegay saraakaal aan is-magacaabin oo ka tirsan booliiska Puntland  ayaa Warbaahinta u   sheegay in dilkan uu ahaa mid qorsheysan, hase yeeshee waxaa socda baaritaanno lagu raadinayo cidii fulisay iyo ciddii soo abaabushay.

Dhanka kale Marxuum C/llaahi Nadaale oo 54-jir ah ayaa wuxuu dilkiisu qayb ka noqonayaa dhowr dil oo ka dhacay xaurnta Puntland ee Garoowe iyadoo maamulka halkaas ka jira uu inta badan ku eedeeyo dilalka qorsheysan ee deegaannadooda ka dhaca Xarakada Al-shabaab.
SomaliSwiss       Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: