Waxaa saakay ka billaabmay deegaannada Deyniile, Garasbaalleey ilaa Ceelasha biyaha howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, howgalladaas ayaa la sheegay inay wadaan Ciidamada Nabad-sugidda Qaranaka.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Ciidamada Nabad-sugidda ay si saf ballarann ah ay uga wadaan degaannadaasi waxayna baarayaan guryaha ku yaala deegaannadaasi iyadoo la tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan halkaasi malleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Qaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu adkeeynayo ammaanka deegaannadaasi, isla markaanna ay soo bandhigi doonaan natiijada howlgalkaasi.
Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada nabad-sugiddu ay kordhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, wuxuuna xusay in ciidamadu ay habeen iyo maalinba ka howlgalaan guud ahaan magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |