Ciidamada Nabadsugidda oo saaka howlgallo ka wada deegaannada Garsbaalleey ilaa Ceelasha-biyaha

Waxaa saakay ka billaabmay deegaannada Deyniile, Garasbaalleey ilaa Ceelasha biyaha howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, howgalladaas ayaa la sheegay inay wadaan Ciidamada Nabad-sugidda Qaranaka.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Ciidamada Nabad-sugidda ay si saf ballarann ah ay uga wadaan degaannadaasi waxayna baarayaan guryaha ku yaala deegaannadaasi iyadoo la tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan halkaasi malleeshiyaad ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Qaliif Axmed Ereg oo ah Taliyaha ciidamada Nabadsugidda Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta  u sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu adkeeynayo ammaanka deegaannadaasi, isla markaanna ay soo bandhigi doonaan natiijada howlgalkaasi.

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada nabad-sugiddu ay kordhiyeen howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka, wuxuuna xusay in ciidamadu ay habeen iyo maalinba ka howlgalaan guud ahaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: