Xaflad lagu Xusayey Maalinta 1-da Luulyo oo lagu qabtay magaalada Olten ee dalka Switzerland.

Waxaa habeenkii Axadda ahayd ee 1-da Luulyo si weyn looga dabaal dagay magaalada Olten oo ku taala gobolka Solothurn ee dalkan Switzerland munaasabada 1-da Luulyo oo ah maalin ay si weyn u qadiriyaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan. (Hoos ka Daawo Sawiro kale)

Munaasabadan oo ka dhacday  magaalada Olten ee gobolka Solothurn ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal Jaaliyadda Soomaaliyeed ah ee ku nool dalkan Switzerland, waxaana Halkaasi ay isugu Jeediyeen Shacabka Soomaaliyeedna ugu Hambalyeeyeen Munaasada ku aadan 1-da Luulyo oo ah Malinta Xornimada Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo Israacii Goboladii Waqooyi iyo Koonfur.

Xafladdan ayey ahayd munaasabd lagu weynaynayo Maalinta qarannimada Soomaalida wana tii  ugu horeysay oo ka dhacda gobalka solothurn Gaar ahaan magaalada Olten ee dalkan Switzerland, waxaana xafladaas soo qaban qaabiyeye Gudoomiyaha somalida gobalka solothurn Abdiraxmaan Cusman loogana yaqaano switzerland C/ raxamaan Gaaljecel, balse dad badan ayaa waxay filayeen iney xafladaas aysan qabsoomi karin ayaa haddana si aad uga farxeen dad badan  ooy ka mid tahay farxiya goosaar oo hore uga ahaan jirtay gudoomiyaha gobalka solothurn.

Ugu horreyntii waxaa xaflada furay gudoomiyaha Jaaliyadda C/raxman Gaaljecel oo habeenkaa ku muteystay sharf iyo balan qaadyo badan dakii mesha isugu yimid munaasabaddaas isugu yimid, ballantaas oo ahayd in wixii hadda iyo  ka danbeeya iney garab taagan yihiin wax allaale wuxuu Guddoomiyuhu ku mideynayo Soomaalida ku dhaqan Kanton solathurn.

Martidii Munaasabaddaas ka hadashay waxaa ka mid ah Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Shirkadda Somali Migrant Remittance (SMR), shirkaddan oo kulmisa Xawaaladaha ka jira Dalkan Switzerland, waxaa kaloo halkaas ka hadalay gudoomiye ku xigeen Jaaliyadda das kanton solothurn Mudane Cabdijibaar oo yiri “waxaan jeclaan lahayn inaan sanadka soo socfa midaan mid ka weyn uu noo sameyno gudoomiye cabdiraxmaan waxaana leenahay weligaa noolow“.

Sidoo kale waxaa xafladdan  ka soo qaybgalay qaar ka mid Madaxda Kanton solothurn qaybta Integration-ka, waxaa Martida u fasirayey dhacdooyinka iyo Khudbadaha  liiban axmed oo ka tirsan Jaaliyadda Luzern horayna u ahaan jirey gudoomiyaha  Jaaliyadda  Luzern. 

 Madaxdii ka socatay integretionka ayaa gudoomiyaha u balan qaadeen iney siiyaan ilmaha luqadooda loo bari malinta arbacada galabtii ama malin sabti waqtiga, hase yeeshee  Madaxdaas ayaa waxay ka codsadeen in gudoomiyaha uu sameeya xafladaan oo kale ayna diyaar ula yihiin wax kasta kantoonka loogu baahdo.

Intii ay socotay xafladaan waxaa  laga qaaday heesaha Waddani ah iyo musikada faniin Soomaali ah, waxayna Xafdda ku dhamaatay Farxad iyo Jawi wanaagsan.

SomaliSwiss     Olten

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: