Madaxweynaha dowladda KGS Soomaaliya Shariif Sh. Axmed iyo wadfi uu hoggaaminayo ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Kigali ee xarunta dalka Ruwanda. (Hoos ka daawo Sawirada)
Madaxweynaha Ruwanda Bowl Kigami ayaa madaxweyne Shariif si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, isla markaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaasi.
Sidoo kale Labada madaxweyne ayaa isla xalay kulan ku qaatay xarunta madaxtooyada dalkaasi iyagoo ka wadahadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waxaana madaxweyne Shariif uu kala hadlay sidii dowlada Ruwanda ay u taageeri laheyd dowladda Soomaaliya.
Dowladda Ruwanda oo ka mid ah waddamada ay ka dhaceen dagaallada sokeeye ayaa hadda ka soo kabatay burburkii iyo dhibaatadii ay ka dhaxleen dagaaladaasi.
SomaliSwiss    Kigali
Filed under: Kigali RW |
You must be logged in to post a comment.