Advertisements

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo soo furtay 4 qof Ajaanib ah oo dhowaan laga soo Afduubtay gudaha dalka Kenya.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku guuleeystay in ay si xooga ah ku soo furtaan Afar ajaanib samafalayaal ah iyagoo bed qaba, kuwaasi oo maalmo ka hor laga soo afduubtay xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab.

Howlgal ay ciidamada ka fuliyeen tuulo lagu magacaabo “Cali Gureey” oo 30 Kilo Mitir u jirta degmada Dhoobleey ayeey ku soo furteen Afar shaqaale Ajaanib samafalayaal ah oo maalma ka hor kooxo hubeysani ka soo afduubteen xeryaha qaxotiga Dhadhaab.

Sida la sheegay Gen. Ismaaciil Saxardiid oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa hogaamineyay howlgallada ka dhanka ah Shabaab ee ka soconaya gobollada Jubbooyinka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay arrintaasi, isagoo intaa ku daray in muddadii uu socday howlgalkaasi ay ciidamadu dileen mid ka mid ah afduubayaasha halka Sadexdii kalena ay nolosha ku soo qabteen.

Sidoo kale General Saxardiid ayaa xusay in saraakiisha ciidamada dowladu ay gacanta ku hayaan Afarta ruux ee laga soo afduubtay Dhadhaab iyagoo bedqaba iyo waliba Sadex ka mid ah Afduubayaashi oo nolosha lagu soo qabtay.

Si Kasta ha ahaatee maalmo ka hor ay malleeshiyadkan ka tirsan Shabaab waxay Afartan qofood ka soo afduubteen xerooyinka qaxootiga Dhabaab kuwaas oo u shaqeeynayay hey’ad samafal oo laga leeyay dalka Norwey.

SomaliSwiss     Dhoobley

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: