Dalka Soomaaliya oo Xalay si heer Sare ah loogu dabaal-degay Maalinta Midnimada iyo Xorriyadda Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka Munaasabaddii ugu ballaarneyd oo ay  ka qeybgalayaan Madaxda ugu sareysa Dalka, mas’uuliyiin, fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ay socotay ilaa xalay saqda dhexe xiligaasi oo Calanka Jamhuuriyadda la saarayo, dhinaca kale isla magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Villa Beydhabo xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana Munaasabadaasi soo qaban qaabiyey Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Daawo Sawiro kale

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Ammaanka Caasimadda si weyn loo adkeeyey xalay waxaana magaalada guud ahaanba laga dareemayaa qiimaha badan ee Munaasabadan Koowda Luulyo ayadoo wadooyinka lagu xerdheeyey Nalal kala midabo duwan iyo calankeenna Sharafta leh oo meel walba suran.

Sidoo kale waxaa Munaasbaddan mid la mid ah ay soo qaban qaabiyeen maamullada kala duwan ee ka jira gobollada Dalkeenna ayaa xalay ka kala socoto gobollada Shabeelada Dhexe,Hiiraan,Gedo iyo Jubooyinka oo iyagu sanadihii lasoo dhaafay aan Munaasabadahan laga xusin maadaama ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka diidan qarannimada iyo Jiritaanka umadda Soomaaliyeed halka gobollada Galgaduud, Mudug,Nugaal iyo Barri oo iyana sanad walba laga xusi jirey ay Munaasabaddo ka soconayaan sida ay kusoo waramayaan Wariyeyaasha Warbaahinta ee gobollada.

Dhanka kale magaalada Caasimadda u ah dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxaa si gaar ahaan dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa la sheegay in xalay ay ka socotay Munaasabadaas oo si heer sare ah ay Safaaraddu u soo agaasintay, taasi oo ah markii ugu horeysay  ee nooceeda ah oo Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya lagu qabto waayo dhowaan ayey Safaaraddu ku guuleysatay dhulkaasi in gacantii Umadda Soomaaliyeed ay dib ugusoo celiso ayadoo Munaasabaddana ay ku sugan yihiin fanaaniin ay ka mid tahay Fanaanada Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura).

Hambalyada guud ee Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba ugu hambalyeeyey Munaasabaddan qiimaha leh waxaana uu Alle ka baryey in sanadkaan sanadkiisa uu Alle nagu gaarsiiyo Nabad,Barwaaqo iyo Hormar.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Hambalyada guud ee uu Shacabka Soomaaliyeed u diray waxa uu hadana si gaar ah ugu hambalyeeyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika oo iyagu si wadajir ah guullo ugasoo hooyey howlgallada dalka looga saarayo Maleeshiyada Al-Qaeda islamarkaana magaalooyin badan ka xoreeyey Maleeshiyaadkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in fikir mideysan la qaato si looga gudbo dhibaatada hadda jirta, dalkana loogu soo dabaalo dowladnimo iyo amni.

Xafladdii lagu xusayay maalinta xoriyaadda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya iyo israacii labada gobol oo ay kasoo wareegtay 50-sano ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsanaa ururkii SYL iyo dad kale oo goobjoog ahaa habeenkii calanka la saarayay.

“Taariikhada Soomaaliya waa mid dheer oo aan shalay iyo maanta billaaban, dad badan ayaa isku dayay inay marin habaabiyaan taariikhada Soomalaiya, laakiin Soomaalida waxaa lagu tiriyaa dadka ugu taariikhda dheer ee adduunka” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xusay in jiritaanka Soomaaliya ay ka tarjumayso luuqadda, taariikhda iyo fanka ay xambaarsan yihiin dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan khaladaadka ayna dib dalkooda u dhisaan.

Waxaa kaloo uu yiri Sheekh Shariif :”Sida la ogyahay dowladnimada laguma helin baryo, kala qaybsanaan iyo inay dadku dhabarka isku dhaggan yihiin, laakiin waxaa lagu helay fikrad mideysan iyo Soomaali oo hal hadaf leh, taasaana keentay in lagu guuleysto.”

Baaqa Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska illoobaan wixii dhexmaray ayna hadda wixii ka dambeeya u jeestaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen, maadaama ay yihiin kuwa ay saaran tahay mas’uuliyadda maanta.

“Xorriyadii kaddib wax badan ayaa dhacay, himiladii ummaddu lahayd wax badan oo la rabay inay hirgalaan ayaan hirgelin, maanta innaga ayaa joogna oo mas’uuliyaddu na saaran tahay, waxaan hubaa taariikhdu inay wax badanna bartay, haddaan midowno oo aan ka gudubno khilaafaadka iyo waxyaabaha yaryar ee dadka lagu mashquuliyo oo aan ujeesanno ummadnimo waxaan hubaa inaan noqonayso dadka ugu fiican dunida,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay khubaddiisa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM, Itoobiya iyo kuwa Kenya ay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan sidii ay uga bixi lahayd dhibka, isagoo sheegay in abaalkaas ay u gudi doonaan.

“Soomaaliya maanta caafimaadkeeda waa soo laabtay, cid walba oo gacan siisayna waa ku mahadsan tahay, waxaan rabaa inuusan khalad kale dhicin oo aan jidka laga habaabin, waxaa saxda ah waa dowladnimo waana mid aan shirko ku nahay,” ayuu Sheekh Shariif yiri mar kale.

Arrimaha dastuurka

Mar uu ka hadlay arrimaha dastuurka ayuu sheegay in dastuurka hadda la qoray uu ku soconayo wax ka badal muddada afarta sano ee soo socota, isagoo xusay inaan khalad laga waayi karin wax bani’aadam sameeyay, laakiin la ogaado in duruuf adag lagu qoray.

“Haddii ay noo suurogalaan waxyaabaha aan rajeynayno oo aan helno dowlad sax ah, waxaa dastuurkan la horgeyn doonnaa baarlamaanka oo wax ka bedeli doona inta looga ansixinayo afti dadweyne,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Dhanka kale; madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ammaan ballaaran u jeediyay ciidamada DKMG ah oo uu sheegay inay guulo la taaban karo ku tallaabsadeen sannadkan ayna deegaanno badan ka qabsadeen Al-shabaab.

“Waxaa jira qaar ciidamada ka mid ah oo magacooda iyo sumcadooda ku ciyaara si xal loogu helo waxay dowladdu qaaday tallaabooyin waxaana xabsiyada ku jira hadda askar maxkamad sugayaal ah, waxaana hari doona kuwa wanaagsan,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay ciidamada dowladda ee shacabka dhibaateeya.

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayuu guud ahaanba Madaxweynuhu u rajeeyey iney sanadkaan sanadkiisa kale hantaan oo ay la wareegaan tuulo kasta oo dalka ka mid ah,mar kalena waxa uu ku celiyey baaqiisa ku aadan iney qurba joogta dalkooda dib ugusoo laabtaan oo ay hormarka socda ka qeyb qaataan.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu fariin nabadeed u diray kuwa weli ku fekeraya iney shacabkooda sii dhibaateeyaan waxaana uu ugu baaqay iney ka faa’ideystaan fursada cusub ee ay ka mid noqdaan hormarka iyo dib u dhiska dalkooda.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay ayaa waxay iyaguna si qoto dheer uga hadleen sida lagu helay xorriyaddda muddo hadda laga joogo 52-sano, waxayna qaarkood sheegeen inay joogeen habeenkii calanka la saarayay, inkastoo ay sheegeen inay dhaceen dhibaatooyin badan lagana gudbi doono.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: