Advertisements

Siduu u dhacay kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay magaalada Dubai, yaase goobjoog ka ahaa?.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen madax Soomaaliyeed oo kawada tirsan labada dhinac. HOOS KA DAAWO SAWIRADA Continue reading

Advertisements

Madaxweyne Shariif oo sheegay in ay ciidamada muddo gaaban cagta ku marin karaan burcad badeedda haddii la caawiyo.

Madaxweynaha dowladda KMG  Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayo arrimaha burcad- badeedda ayaa ka sheegay in haddii Ciidamada Soomaaliya  la siiyo taageerada ay u baahan yihiin ay muddo sannad ah ku cirib-tiri karaan  burcad badeedda. Continue reading

Odayaasha Dhaqanka oo soo xulay Gudigga xallinta khilaafaadka Odoyaasha

War goor dhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shegaya in Gudigga odayaasha dhaqanka ayaa iska soo dhex xuleen guddi loogu talogalay inay xalliyaan khilaafaadyada soo dhex-gala odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku howlan soo xulidda ergada ansixinta dastuurka iyo kuwa soo xulaya xildhibaannada cusub, guddigaas oo tiradooda ay   gaarayso 26-xubnood. HOOS KA AKHRI MAGACYADA Continue reading

Madaxweynaha dalka Burundi oo sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan karto dagaaladii Sokeeya iyo hanaankii dib u heshiisiinta ee dalkiisa.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas ka soo bixi doonin ilaa ay dhameeyaan howsha nabadda lagu raadinayo, islamarkaasna ay fasax ka helaan dowladda Soomaaliya. Continue reading

Dalka Jabuuti oo maanta si farxad leh looga xusayo maalintii ay ka xoroobeen gumeysiga Faransiiska.

Maanta oo ah 27-ka June 2012-ka waxaa dadweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ay  u dabaaldegayaan  sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii ay madaxbannaanidooda ka qaatay gumeytihii Faransiiska oo ku beegneyd 27-ka June 1977-ka. Continue reading

QEYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DASTUURKA QABYADA AH OO DHAN IYO QODOBADA UGU CAD CAD (Final Copy)

Bishaan Juun 22, 2012 waxay Magaalada Nairobi saxiixa yaasha RoadMap isla ogolaadeen oo ay qalinka ku wada jiideen  Qodobada ay u garteen inuu ka koobnaado Dastuurka Qabyada ah oo ay  nuqulkiisii ugu dambeeyay wada saxiixeen, kaas oo maalmaha soo socda loo gudbin doono odayaasha ku shirsan magaalada Muqdisho. NUQULKII UGU DAMBEEYAY HOOS KA AKHRI ISAGOO DHAMEYS TIRAN AMA QEYBAHA MUHIIMKA AH Continue reading

Todoba Dukuminti oo ay Nairobi ku saxiixeen Saamileyda Road-Map iyo Guddiyo ay fulintooda u xilsaareen.

Sida ku cad Dukumiintiyo kala duwan oo ay ku saxiixeen heshiisyo 7 qodob gaaraya oo ay magaalada Nairobi qalinka ku wada jiideen, Saamileyda Barnaamishka loogu magac daray ‘Qorshe howleedka tubta kala guurka ‘Road Map‘, waxaa lagu magacaabay kulankaas, 4 Guddi oo fulin doona 7 heshiis, kuwaas oo kala ah:- Continue reading

%d bloggers like this: