Madaxweyne Shariif oo maanta Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ku shirsan uga warbixiyey kulammada dhexmaray dowladda KMG iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Shariif oo shalay dib ugu soo laabtay Soomaaliya ayaa maanta Odayaasha Dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan uga warbixiyey natiijooyinka iyo kulammadii ka dhacay Dubai ee dhexmaray dowladda KMG iyo maamulka Somaliland.

Madaxweynaha KMG Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa ku tilmaamay wadahadalladaasi in ay yihiin kuwo bilow fiican ah isla markaana ay jirto rajo iskusoo dhowaansho ah, maadaama ayuu yiri hadiiba lawada hadlo waxaan aaminsanahay wixii lakala tabanayo in la xalin karo.

Waxaa uu sidoo kale ku celiyey in walaalaha Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya loo geystay dhibaatooyin fara badan oo ay Soomaali wada ogsoon tahay.

Madaxweyne Shariif ayaa yiri “Walaalaha reer Somaliland dhibaato ayaa loo geystay dhibaatadana meel walba ayey ka dhacday, laakiin nasiib wanaag cid dhaheysa waan go’eynaa ma jirin waayo dhibaatadii dhacday dhibaato qabiil amaba dad gaar ah ay geysteen ma aheyn balse walaalkaa haduu wax kaa tabanayo waa waajib inaad daweysid, wadahadalladaasina meel wanaagsan ayey noo marayaan”.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Shariif ayaa ka codsaday Odayaasha Dhaqanka in ay soo dedejiyaan xulidda ergada ansixin doonta Dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo maadaama uu waqtigu aad u yar yahay hadana ay heystaan qoraalka Dastuurka oo dhowaan loo qeybiyey.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: