Madaxweynaha Dawladda KMG Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay gaaray Degmada Balcad, tan iyo markii uu xukunka qabtay.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku weheliyeen Xubno ka tirsan Golaha wasiirada Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Amisom ayaa waxaa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay Dadweynaha Reer Balcad.

Madaxweyne Shariif ayaa intii uu halkaa joogaywaxaa uu u kuur galay xaaladda Nololeed ee Shacabka ku dhan Degmada Balcad.

Sheikh Shariif ayaa la filayaa inuu goor dhow la hadlo Ciidamada dawladda iyo kuwa am isom ee halkaa ku sugan isagoo isla markaana war bixino ka dhagaysan doona Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada huwanta ah.

Madaxweynaha dawladda ku meel Gaarka Soomaaliya ayaa safarkiisani waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu halkaa ku tago tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

Boqolaal dad ah ayaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweyne Shariif iyo xubnihii la socday iyagoona muujinayay taageerada ay u hayaan dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii maleshiyada kooxda Al-Shabaab ee degmadaasi ay halkaa isaga baxeen ka gadaal markii ay ku soo dhawaadeen Ciidamada huwanta ah kuwaasoo dagaal la’aan kula wareegay Degmada Balcad oo ah degmadii ugu horeysey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee ay Dawladdu la wareegto.

Ma Cadda Wafdiga Madaxweynaha in Caawa ay halkaa ku hoyan doonaan iyo in kale wararkiise ugu danbeeyay ee degmadaas naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xiligan oo galab ah in Wafdiga Madaxweynuhu ay weli ku sugan yihiin Degmada balcad.

Sheikh Shariif ayaa qabsashadii Ciidamada dawladda ee degmada af gooye kaddib dhowr habeen ku sugnaa degmadaas halkaasoo uu kula kulmay wax garadka degmada iyo dad weynaha reer af gooye.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha ayaa la filayaa in halkaa uu uga jeediyo Ciidamada Ereyo hanbalyo ah isla markaana uu ku guubaabiyo sidii ay hore ugu sii wadi lahaayeen dagaalka ay kula jiraan maleshiyada kooxda Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: