Advertisements

Buug ka hadlaya Xad-gudubyadii bini-aadaminimo ee Somaliland ka dhacay oo lagu soo bandhigay Hargeysa.

Hargeysa, Buug cusub oo ka hadlaya xasuuqii iyo dambiyadii laga geystay Somaliland wakhtiyadii ay jirtay dawladdii kali-taliska ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Siyaad Barre ayaa xalay lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee ku yaala magaalada Hargeysa, kaasoo si qoto dheer u lafo-guraya Xad-gudubyadii bini-aadamnimo ee sannadihii sideetamaadkii dhacay iyo Shakhsiyaadkii Masuuliyiinta ka ahaa. (SAWIRO)

Buuggan oo lagu Magacaabo (Somaliland And International Criminal Justice), oo uu qoray Prof Maxamed Faarax Xirsi oo ah Wiil dhalinyaro ah, ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka  Ganacsiga Somalilad Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale, Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Somaliland Amaal Xaaj Miisaan, Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda,  Mamaulka Jamacadda Alpha University oo soo qaban qaabiyey Munaasibaddan lagu soo bandhigay Buuggan iyo marti sharf kale oo aad u tiro badan.

Munaasibaddan waxa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha University   Maxamed Xuseen Mu’addinka, waxaanu aad ugu Mahad celiyey Qoraga Buugan ka hadlaya Xasuuqii Somaliland oo ah Madax Kuliyadda Sharciga ee Jamacadaasi, waxaanu ugu baaqay dhalinyarada kale inay ku daydaan oo ay wax ka qoraan taariikhaha kala duwan ee dalkan ku duugan.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay Munaasibaddaasi ayaa waxa uu sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxeynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shahaado sharaf uu ugu talo galay Qoraaga Buuggan Maxamed Faarax guddoonsiiyey, waxaanu sheegay inuu buugani aad muhiim ugu yahay Taariikhda Somaliland, waxaanu soo jeediyey in la sameeyo dad wax ka qora taariikhaha kala duwan ee Somaliland.

Prof Maxamed Faarax Xirsi oo ah Qoraaga buuga cusub ee Somaliland And International Criminal Justice oohadal Kooban ka jeediyey Munaasibadii uu ku soo bandhigay Buugan, ayaa faah-faahin ka bixiyey Ujeedada ku kaliftay inuu wax ka qoro Xasuuqii ka dhacay Somaliland wakhtigii uu Somalia ka talinayey Siyaad Barre, waxaanuu sheegay Qoraagu inay ku keliftay markii uu arkay Waddamo badan oo caalamka ka mid ah oo laga sameeyey Maxkamado lagu Maxkamadaynayo dadkii dalalkaasi Xasuuqa ka geystay, isla markaana uu hindisay inuu wax ka qoro dhibaatadii iyo Xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo cidii ka geysatay, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayen Genaral Cali Samatar oo ay hadda Maxkamadi kaga socoto Talka Maraykanka, isaga oo tilmaamay inay Buugan ka gacan siiyeen Hay’ado Calaami ah oo uu hadda yaalo oo keliya dalalka Maraykanka iyo  Suuqyada dalalka Yurub, isla markaana aanu wali Somailand soo gaadhin, balse sida uu  Qoraagu tilmaamay qofkii doonayaa cid kale u dirsan karo, waxanu sheegay inuu qiimiha Buugani uu yahay  $57 Dollar.

Qoraaga Buuggan ka hadlaya Xasuuqii laga geystay Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, waxa  uu ugu dambayntii ku booriyey  inay dhalinyarada reer Somaliland isku dayaan inay wax ka qoraan mahadhooyinkii iyo taariikhaha kala duwan ee ku duugan Dalka Somaliland, waxaanu u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo saarista Buugan iyo intii ka gacan siisayba.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: