Warsaxaafadeed ICRC: Somalia Collaada iyo Roob Yarida Waxay Dheereeyeen Sugnaan La’aanta Cuntada.

Gudiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxay ka walaacsan tahay xaalada qeybo badan oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed, kuwaaso weli u nugul cunto yari sanad ka dib markii ay bilaabatey abaarta.  Xaalada ayaa u muuqata mid sii jiri doonto iyadoo ugu wacan tahay abaarta iyo colaadaha socda oo isbiirsadey.

CRC War Saxaafadeed No. 12/132

29 June 2012

Somalia: Collaada iyo Roob Yarida Waxay Dheereeyeen Sugnaan La’aanta Cuntada

Gudiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) waxay ka walaacsan tahay xaalada qeybo badan oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed, kuwaaso weli u nugul cunto yari sanad ka dib markii ay bilaabatey abaarta.  Xaalada ayaa u muuqata mid sii jiri doonto iyadoo ugu wacan tahay abaarta iyo colaadaha socda oo isbiirsadey.

“Waxaa mahad iska leh dadaalada samafaleed iyo dalagii ugu dambeeyey ee soo go’ay,   xaalada guud ee nafaqada ayaa soo hagaagtey tan iyo sanadkii tagey. Laakiin, Soomaali badan ayaa weli la daaladhacaya inay helaan baahidooda aasaasiga ah, qiyaasta nafaqodaradana cirka ayey isku shareertey,” sidaa waxaa yiri, Olivier Humbert Droz, ku xigeenka madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC). “Intaas waxaa dheer, isku dhacyada hubeysan ee sii socda waxay ku qasbayaan dadka inay ka cararaan guryahooda ama carqaleedayaan waxsoosaarka cuntada iyo holwlaha kale ee dhaqaalaha.”

“Roobabkii da’ey bilhii Abriil iyo Juun way ka yaraayeen heerka caadiga ah meelaha qaarna ma helin roobab ku filan, taasi waxay khatar gelineysa awoodii qoysas badan ugu tacban lahaayeen beerahooda ama ku dhaqan lahaayeen xoolahooda si ay u daboolaan baahidooda,” waxaa yiri Olivier. “Awoodan waxaa sii yareeyey isku dhacyo hubeysan iyo xaalado amaan dari ah.”

Tan iyo bilowga abaartii iyo nafaqodaridii 2011-da, ICRC-da oo kaashaneysa Ururka Bisha case e Soomaaliyeed, waxay caawisey ilaa labo milyan oo qof si ay u helaan raashiin aasaasi ah oo ay u baahnaayeen iyadoo ka fulisey gargaar balaaran bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland. Cunno qeybintii dhoweyd ee loo sameeyey 764,000 beeraley ah, xoolo dhaqato iyo dad ay barikiciyeen dagaalada waxaa loogu talo galey muddo labo bilood ah waxayna ka koobneyd bariis, digir, saliid iyo boorish si loo daboolo gaajada ka hor beer goosashada bisha Julaay. Dadka heley raashinka waxay awood u yeesheen inay ceshtaan agab muhiim u ah noloshooda oo ay ku gadi lahaayeen qiimo jaban.

“ICRC-da waxay ka jawaab bixineysey baahida deg deg ah iyo mida fog ee Soomaaliya iyadoo fulineysa mashaariic loogu tala galey in dib loogu soo celiyo laguna hagaajiyo nolosha iyo sugnaanta dhaqaale ee bulshooyinka ay aafeeyeen sanado badan oo dagaal iyo masiibooyin dabiici ah,” Sidaa waxaa yiri Maxamed Sheikh Cali oo ah isu duwaha mashaariicda sugnaanta dhaqaale ee dalka. “Ujeedadeenu waxay tahay inaan hagaajino isku filnaanshaha. Marka dhinca layska dhigo masiibooyinka dabiiciga ah, kuwa helay gargaarka waxay heysataan raashiin ku filan oo ay ku daboolaan baahidooda aasaasiga ah ee guriga ugu yaraan lix bilood.”

Inkastoo cunno qeybinta mar mar loo baahan yahay si loo yareeyo dhibatada dhow, ICRC-da waxay caawisaa bulshooyinka si ay u xoojiyaan ama u nagaadiyaan habkooda taageero.

Intii lagu jirey sanadkii tagey, in ka badan 640,000 oo qof ayaa waxay ka faa’ideysteeen howl ay fulisey ICRC-da si kor loogu qaado waxsoosaarka cuntada ee beeraleyda iyo xoolo dhaqatada, tusaale qeybinta agabka beeraha iyo daweynta xoolaha. Intaas waxaa dheer, ku dhawaad 200,000 oo qof ayaa heley  biyo nadiif ah.

Labaatankii sano ee la soo dhaafey, ICRC-da waxay ka jawaabeysey baahida deg dega ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo ka caawineysa bulshada Soomaaliyeed inay ka  gudbaan dhibaatooyinka is biirsadey iyo inay awoodooda dhisaan si  ay u caawiyaan naftooda.

Wixii warar dheeraad ah kala xiriir:
Fatuma Abdulahi, ICRC Nairobi, tel: +254 731008754

amba websiteka gal : www.icrc.org

ICRC News Release No. 12/132
29 June 2012

Somalia: conflict and uneven rainfall prolong food insecurity

Geneva/Nairobi (ICRC) – The International Committee of the Red Cross (ICRC) is concerned that large sections of the Somali population remain highly vulnerable to food insecurity and malnutrition one year after the peak of the drought crisis. The situation is set to persist owing to the combined effects of the drought and ongoing conflict.

“Thanks to humanitarian efforts and a very good last harvest, the overall nutritional situation has improved since last year. However, many Somalis still struggle to meet their basic needs, and malnutrition rates remain alarmingly high,” said Olivier Humbert-Droz, the deputy head of the ICRC’s Somalia delegation. “On top of this, continuing armed confrontations force people to flee their homes or disrupt food production and other economic activities.”

“The April-to-June rainfall was below average in some areas and poorly distributed over time, thus jeopardizing the capacity of many households that grow crops or raise livestock to meet their needs,” explained Mr Humbert-Droz. “This capacity has been further undermined by widespread armed clashes and poor security conditions.”

Since the beginning of the 2011 drought and nutritional crisis, the ICRC, with frequent support from the Somali Red Crescent Society, has helped approximately two million people meet their essential food needs through large-scale relief efforts in south-central Somalia and Puntland. The recently completed distribution for 764,000 drought-stricken farmers, livestock herders and people displaced by fighting was designed to provide a two-month supply of basic food items, such as rice, beans, vegetable oil and corn soya blend, to help them bridge the “hunger gap” period leading up to the July harvest. Those receiving the food were able to maintain assets vital to their livelihoods that they might otherwise have had to sell at deflated prices simply to have something to eat.

“The ICRC has been responding to both emergency and long-term needs in Somalia with projects designed to restore or improve livelihoods and economic security for a population weakened by years of conflict and recurrent natural calamities,” said Mohamed Sheikh-Ali, who coordinates the ICRC’s economic security programmes in the country. “Our aim is to improve self-sufficiency. Barring calamities, those receiving aid are set to have enough food to cover their basic household needs for six months at least.”

While food distributions are temporarily required to relieve immediate suffering, the ICRC supports communities in their efforts to strengthen and sustain their own means of support. During the past year, more than 640,000 people have benefited from action taken by the ICRC to boost food production for people who grow crops or rear livestock, for instance through distributions of agricultural inputs and upgrades to irrigation channels. In addition, almost 200,000 people have benefited from improved access to water – another scarce resource in Somalia – during the same period.

Over the past two decades, the ICRC has been responding to emergency needs of the Somali population as well as helping communities to overcome the cumulative effects of continuing misfortune and retain their ability to fend for themselves.

%d bloggers like this: