Magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta, waxaa mar kale maanta ku shiray, Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kulankaasi oo lagu xoojinayey go’aannadii ay shalay labada Madaxweyne gaareen.
Xuseen Carab Ciise Wasiirka Gashaan dhigga oo ka mid ah wafdiga Sheikh shariif la socda ayaa wareysi uu siiyey raadiyaha qaranka ayaa wuxuu ku sheegay in muhiimadda kulanka maanta ay aheyd sidii loo adkeyn lahaa go’aannadii shalay lawada gaaray balse qodobka muhiimka ah ee qalinka lagu wada duugay maanta uu yahay in la isku furo dhaqaalaha iyo is dhexgalka siyaasiyiinta iyo bulshada labada dhinac taasi oo micnaheedu yahay in mas’uuliyiinta TFG ay tegi karaan deegaannada Somaliland kuwa Somalilandna si lamid ah ay u imaankaraan.
Mudane Xuseen Carab Ciise Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyey in qodobada heshiiskaasi ay noqdaan kuwo miradhala ama la hirgeliyo maadaama hadii lawada hadlayo dadka wax kala tabanayaa ay is fahmi karaan wixii lakala tabanayana la xalin karo.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.