Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta waxaa uu kulan kula qaatay ganacsatada iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Wadankaasi.
Kulanka oo ka dhacay Hotelka Al-Jumaerah ee magaalada Dubai ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee Jaalliyadda oo iyagu daneynayey la kulanka Madaxweynaha ayadoo kulankaasina uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku wehliyey Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ugu horeyntii waxaa kulankaas khudbad ka jeediyey Ra’isulwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Xuseen Carab Ciise wuxuuna Jaalliyadda faah faahin ka siiyey guullaha isdaba jooga ah ee ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika kasoo hooyeen howlgallada dalka ka socda waxaana uu Wasiirku tilmaamay in howlgalladaasi ay ku socdaan si wanaagsan ayadoo guulahana ay ugu dambeysay guushii Maleeshiyada Al-Qaeda looga saaray degmada Balcad iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe waxaana uu ugu dambeyntii Jaalliyadda ku booriyey iney taageerro lexaad leh la garab istaagaan Ciidammada Xoogga Dalka.
Sidoo kale waxaa Kulankaas khudbad dheer ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ganacsatada iyo Jaalliyadda uga warramay guullaha ay Dowladdu ka gaartay dhinacyada Ammaanka,Siyaasadda,dib u dhiska iyo hirgelinta hanaanka Road-mapka ee dalka looga saarayo KMGnimada waxaana Madaxweynuhu xusay in arrimahaasi oo idil ay Dowladdu guul ka gaartay islamarkaana dhowaan Muqdisho ay ka bilaaban doonaan shirar uu ugu horeeyo shirka ansixinta Dastuurka Cusub.
Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sheegay in marka Dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo la ansixiyo ay ergada ansixisa soo xuli doonaan Baarlamaanka cusub ee uu dalku yeelanayo kadibna marka la gaaro waqtiga KMG xiliga uu ku egyahay waa 20ka August Dalka ay ka dhici doonto doorasho taasina ay tahay guul waxaana uu ku booriyey ganacsatada Soomaaliyeed iney dalkooda maalgashadaan oo ay ka qeybqaataan dib u dhiska iyo hormarka hada gudaha Dalka ka socda.
Ugu dambeyntii wuxuu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka hadlay wadahadallada ay Dowladdu la wado walaalaha maamulka Somaliland wuxuuna wadahadalladaasi ku tilmaamay guul maadaama hada la isa soo hor fariisanayo waxa la kala tabanayana laga hadli karo, balse wuxuu baaq u diray maamulka iyo shacabka Somaliland oo uu ka codsaday ineysan isku dhejin rabitaanka ah gooni u goosad, maadaama ay Dowladdu xiligan diyaar u tahay in la xaliyo wax walba oo ay tabanayaan walaalaha Waqooyi Galbeed.
SomaliSwiss      Dubai
Filed under: Dubai |
You must be logged in to post a comment.