Advertisements

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo mar kale maanta la kulmaya madaxda walaalaha Maamulka Somaliland

 Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa la filayaa in uu maanta kulan labaad la qaato Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sida la sheegay Kulanta madaxda labada dhinac ayaa la filayaa in mar kale uu maanta ka dhaco Hotelka uu Madaxweyne Shariif ka deggan yahay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Labada dhinaca ayaa ka wadahadli doona arrimo la xiriira midnimada Ummadda Soomaaliyeed (Soomaaliweyn) iyo sidii loo xallin lahaa mushaakilaadka jira, waxaana wadahadalladan soo dhaweeyay ummadda Soomaaliyeed oo u aragta isu soo dhawaasho dhex martay Soomaaliweyn.

Si kasta ha loo fiki duwanaadee waxaa Maalintii shalay aheyd markay madaxda Soomaaliyeed ay wadahadallo ku yeesheen Hotelka madaxweyne Shariif uu ka deggan yahay magaalada Dubai, iyagoo soo saaray war murtiyeed ay ku xusnaayeen qodobbo muhiin ah oo ay ka mid ahaayeen in la sii wado wadahadallada labada dhinac.

SomaliSwiss       Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: