Dibadbax lagu taageerayo wadahadalka dowladda KMG iyo Somaliland oo Maanta ka dhacay Muqdisho.

Banaabax lagu taageerayo Wadahadallada magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka Carabta ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Dadweyne aad u farabadan oo muujinayey shucuurtooda ku aadan sida ay ugu faraxsanyihiin wadahadalladan iskusoo dhowaanshaha ah ayaa isugu soo baxay garoonka Coonis Stadium degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayadoo ugu dambeynna Banaabaxayaasha ay wadooyinka Caasimadda socod ku mareen.

Banaanbaxayaasha ayaa intii ay ku sugnaayeen garoonka Coonis Stadium waxaa kula hadlay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo Banaabaxa kala qeybqaatay waxaana Banaanbaxa mas’uliyiinta ku wehliyey Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyey Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidammada Booliiska Sareeye Guuto Shariif Sheekh Unaa Maye.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo banaanbaxayaasha khudbad u jeediyey ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay in shacabka magaalada Muqdisho ay muujiyaan shacuurtooda ku aadan midnimada Umadda Soomaaliyeed wadahadalladaasina ay bilow u yihiin soo celinta midnimadii Umadda.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamuud Macalin Nuur oo isaguna banaanbaxayaasha hadal u jeediyey ayaa tilmaamay in hadii la wada hadlo uu xalku imaanayo sida ay dadkan isugu soo baxeenna ay muujineyso jeceylka ay dadka Soomaaliyeed u qabaan midnimadooda.

Markii ay Mas’uuliyiintaasi Banaabaxayaasha hadal u jeediyeen kadib ayaa dadka banaanbaxayey waxey socod kusoo mareen wadooyinka Caasimadda ayagoo ugu dambeynna isugu yimid barxada Iskaashatada gaadiidka gobolka Banaadir.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: