Siduu u dhacay kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay magaalada Dubai, yaase goobjoog ka ahaa?.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo kulankaasi ay goobjoog ka ahaayeen madax Soomaaliyeed oo kawada tirsan labada dhinac. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu ahaa mid daba-socday shirkii magaalada London ku dhexmaray ergooyinka ka kala socday Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kulankii labada dhinac dhex maray ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu la kulmo madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay in kulankoodu uu ahaa mid daba-socday kulankii ka dhacay London ayna horay uga sii wadayaan wadahadallada billowday.

Sidoo kale, Axmed Siilaanyo ayaa isaguna dhinaciisa sheegay inay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeedda, balse gooni-isu-taagga Somaliland uu yahay mid lama taabtaan ah.

Kulanka labada madaxweyne ayay sidoo kale goob joog ka ahaayeen dhamaan madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo maamul goboleedyada Somaliya oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan Maxamed Faroole, Maxamed AĀ  Caalin iyo xubno kale oo ka socday Imaaraadka Carabta.

Labada madaxweyne ayaa waxay isku raaceen in la taageero qodobbadii kasoo baxay shirkii ka dhacay London, lana sii wado wadahadallada u billowday, iyagoo xusay in labada guddi ay u ogolaadeen inay sii wadaan wadahadalka billowday si loo xaqiijiyo xiriir dhab ah oo dhexmara labada dhinac.

Heshiiska ay labada dhinac gaareen oo ay labada madaxweyne ku saxiixnaayeen ayay qodobbadiisa ka mid ahaayeen: in shirka soo socda ee labada dhinac dhexmaraya uu sidoo kale ka dhaco dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka Sh. Shariif iyo Axmed Siilaanyo ayaa sii socon doona illaa maalinta berri ah, iyadoo weli ay muuqdaan kala duwanaasho aan caqabad weyn ahayn oo dhinaca fikirka ah, iyadoo xubnaha Somaliland ay ku dheggen yihiin gooni-isu-taaggii ay ku dhawaaqeen sannadkii 1991-kii.

SomaliSwiss Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: