Todoba Dukuminti oo ay Nairobi ku saxiixeen Saamileyda Road-Map iyo Guddiyo ay fulintooda u xilsaareen.

Sida ku cad Dukumiintiyo kala duwan oo ay ku saxiixeen heshiisyo 7 qodob gaaraya oo ay magaalada Nairobi qalinka ku wada jiideen, Saamileyda Barnaamishka loogu magac daray ‘Qorshe howleedka tubta kala guurka ‘Road Map‘, waxaa lagu magacaabay kulankaas, 4 Guddi oo fulin doona 7 heshiis, kuwaas oo kala ah:-

  1. Guddiga Farsamo ee Xulidda.
  2. Guddiga dhex dhexaadinta Odayaal dhaqameedka.
  3. Guddiga Farsamada iyo fududeynta howlaha.
  4. Xafiiska Guddiga xairiirinta Saxiixayaasha.

Guddiyadaas kor ku xusan oo lamagacaabay 23-kii Juun, waxyaabaha ugu muhiimsan ee lasheegay in ay qaban doonaan waa fulinta iyo ka miro dhalinta 7-da qodob ee hoos ku xusan kuwaas oo lawada saxiixay, isla markaana qorshuhu yahay in ay fulaan waqtiga ka dhimman xilliga kala guurka ah, guddiyadaas kore ayaana ku magacaaban ka miro dhalintooda.

intii ay saxiixayaashaasi joogeen Nairobi, waxay wada saxiixeen, heshiisyada hoos ku tixan oo muujinaya, ama nuxurkoodu yahay sida ay u wada shaqeyn doonaan iyo waxa ay samaynayaan si shaqadaasi u noqoto mid qabsoonta, waxayna qalinka kuwada jiideen qeybaha kala duwan ee hoos ku tixan in ay isla wada ogolaadeen, kuwaas oo kala ah:-

  • Baaqa wadajirka ah ee wadatashigii saxiixayaasha Roadmap.  [Somali] [English]
  • Heshiiska lagu aas aasayo Guddiga Farsamo ee Xulitaanka.[Somali] [English]
  • Heshiiska lagu dhisayo golaha dastuur ansixinta qaran ee Soomaaliya. [Somali] [English] 
  • Heshiiska lagu dhisayo golaha Barlamanka cusub ee dalka Soomaaliya. [Somali] [English] 
  • Heshiiska lagu dhisayo guddi farsamo ee taageerada Saxiixayaasha Roadmap. [Somali] [English] 
  • Heshiiska ku dhawaaqis iyo soo saarista wareegto TFG ee dhameystirka xilliga KMG. [Somali] [English] 
  • Heshiiska Qodabada ay isla ogolaadeen Guddiga Dib u habeynta Qabyo qoraalka Dastuurka nuqulka ugu dambeeya ee lawada saxiixay June 22, 2012. [Somali]

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: