QEYBAHA UU KA KOOBANYAHAY DASTUURKA QABYADA AH OO DHAN IYO QODOBADA UGU CAD CAD (Final Copy)

Bishaan Juun 22, 2012 waxay Magaalada Nairobi saxiixa yaasha RoadMap isla ogolaadeen oo ay qalinka ku wada jiideen  Qodobada ay u garteen inuu ka koobnaado Dastuurka Qabyada ah oo ay  nuqulkiisii ugu dambeeyay wada saxiixeen, kaas oo maalmaha soo socda loo gudbin doono odayaasha ku shirsan magaalada Muqdisho. NUQULKII UGU DAMBEEYAY HOOS KA AKHRI ISAGOO DHAMEYS TIRAN AMA QEYBAHA MUHIIMKA AH

Qodobada ugu waaweyn, ayaan idiin soo xulnay oo aad ka heli kartaa qeybta hoose cinweaanada ku tixan, kuwaas oo ah qeybaha ugu muhiimsan dastuurka qabyada ah ee muranku ka taagnaa, iyadoo ay muuqato sidoo kale, in laga saaray, qeybo iyo qodobo aad u tiro badan.

Ugu dambeyntii, waxay wada saxiixeen saxiixayaasha saamileyda Road Map-ku, in ay isla ogolyihiin qodobada ku xusan dastuurka halkaan ku lifaaqan oo dhowaan loo gudbin doono odayaasha iyo ergooyinka ku shirsan Muqdisho, si ay dib ugu eegaan, isla markaana u soo jeediyaan, in wax lagu daro ama wax laga dhimo, wuxuu nuqulka ugu dambeeya ee 22-kii bishaan la wada saxiixay u dhigan yahay sidaan: HALKAAN KA AKHRI NUQULKA ASLIGA AH ISAGOO DHAMEYSTIRAN.

Markii  aan aqrinnay Qodobada ugu muhiimsan ee ku jira dastuurka qabyada ah ee ay isla wada ogolaadeen, oo ka kooban 14 Qeybood oo gaaraya 189 qodob, isla markaana qalinka ay ku wada jiideen waxaa ka mid ah, meelaha ugu muhiimsan ee muranku ka taagnaa, dad badanina ay isha ku hayeen:-

  1. JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

  2. DHULKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA  SOOMAALIYA =                Fiiro Gaar ah:   Qodobkaan waxaa si dadban loogu muujiyey in Badda Somaliya ay muran caalami ah ku jirto.

  3. MAGAALA MADAXDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

  4. KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA.

  5. LUQADDA RASMIGA AH EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA.

  6. TIRADA DOWLAD GOBOLEEDYADA.

  7. DOWLADDA FEDERAALKA AH IYO DIINTA.

  8. XORIYADDA DIINTA IYO CAQIIDADA.

  9. SHACBIGA IYO JINSIYADDA.

  10. QAXOOTIGA IYO MEGENGELYADA.

  11. TIRADA XUBNAHA GOLAHA SHACABKA.

  12. TIRADA XUBNAHA AQALKA SARE EE BARLAMANKA.

  13. SHURUUDAHA XUBINIMADA BARLAMANKA,           Fiiro Gaar ah: –Qodobkaan, kuma cadda shuruudda diintu, sidaasi darteed shardi maaha inuu Xildhibaanku muslim noqdo.

  14. MADAXWEYNAHA DALKA, SHURUDAHA DOORASHADA IYO AWOODIISA.

  15. DASTUURKA QABYADA AH OO DHAMEYS TIRAN HALKAAN KA AKHRI

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: