Sh.Shariif oo Imaaraadka Carabta u tegay, soo qaadista ($15 Milyan) oo ay Soomaaliya leedahay iyo shir looga hadlayo burcad badeeda.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa gaaray magaalada Dubai ee isutaga Imaaraadka carabta halkaasi oo sida lagu wado ay uga qayb geli doonaan shir laba maalmood soconaya oo looga hadlayo Burcad badeeda, gaar ahaan kuwa Soomaaliya, iyagoo sidoo kale lacag taakuleyn ah oo loogu deeqay Somaliya ka soo qaadi doona dowladda Emaraat-ka.

Madaxweynaha wafdigiisa oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah golaha dowladda ayaa lagu wadaa in ay inta shirkaasi socdo la kulmaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Emaaraadka, sida ay faafisay Sonna, wakaaladda wararka Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yahay, Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo u badan saraakiisha madaxtooyada ayaa Sidoo kale, qorshaha safarkooda ay qayb ka tahay in dowladda Imaaraadka laga soo qaado lacag 15,000,000 (15 Milyan) taas oo ah mucaawino taageero lacageed oo Cash ah oo loogu tala galay 3 bilood Miisaaniyadda ay dowladdaasi ku kabto dowladda Soomaaliya oo ab bil kasta 5 Milyan.

HALKAAN KA AQRI WARBIXINNO FAAH FAAHSAN OO KA HADLAYA DOWLADAHA LACAGAHA CADAANKA AH BIL KASTA UGU DEEQA SOOMAALIYA

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkaasi oo Madaxweynahu uu kula kulmay Ra’isal wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi.

SomaliSwiss    Dubai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: