Madaxweynaha dalka Burundi oo sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan karto dagaaladii Sokeeya iyo hanaankii dib u heshiisiinta ee dalkiisa.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya ay halkaas ka soo bixi doonin ilaa ay dhameeyaan howsha nabadda lagu raadinayo, islamarkaasna ay fasax ka helaan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Mr. Nkurunziza wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan iyagu dooran inay tagaan, balse ay ku tageen codsi kaga yimid  Soomaalida iyo Midowga Afrika, isagoo sheegay inay ciidamadooda ka shaqeynayaan sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.

Dhanka kale Madaxweyne Nkurunziza,  wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan karo hanaankii dib u heshiisiinta ee ka aloosnayd dalkiisa, isagoo xusay in wadahadalladu ay yihiin kuwa keliya ee looga bixi karo dhibaatada taagan.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:  “Waxaanu shaki ku jirin in xaaladda ka taagan Soomaaliya mar uun lagu xallin doono wadahadal iyo is-faham, laakiin haddii koox ka mid ah kooxaha ay diidaan wadahadal taasi waxay keenaysaa in awood ciidan loo adeegsado”.

Sida la wada ogsoon yahay Dalalka Burundi iyo Soomaaliya waxay dagaallo sokeeye ka billowdeen sannadihii sagaashameedyadii iyadoo Burundi ay ku guuleysatay 10-sano kaddib inay xalliso dhibaatadeedii, balse Soomaaliya 20-sano dagaallo sokeeya  ah oo aan weli looma helin xal.

Balse dalka  Soomaaliya ayaa waxaa haatan  ku sugan kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada Burundi kuwaasoo qayb ka ah howlgalka lagu AMISOM ee lagu doonayo in lagu soo celiyo nabad ka dhalata Soomaaliya kaddib in ka badan labaatan sano oo colaado ah.

SomaliSwiss    Bujumbura

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: