Dalka Jabuuti oo maanta si farxad leh looga xusayo maalintii ay ka xoroobeen gumeysiga Faransiiska.

Maanta oo ah 27-ka June 2012-ka waxaa dadweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ay  u dabaaldegayaan  sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii ay madaxbannaanidooda ka qaatay gumeytihii Faransiiska oo ku beegneyd 27-ka June 1977-ka.

Shacabka  iyo Dowladda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa si weyn ugu dabaaldegaya sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeytihii Faransiiska, sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed ayaa  fantasyaha maalintan si xushmada uga dhigeen caasimadda dalka soomaaliya iyo gobollada dalka oo dhan.

Sida ay wararku nagu soo gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeybgalay munaasabaddii calansaarka ee xalay lagu qabtay caasimadda Jabuuti ayaa shacabka Jabuuti u diray hambalyo ku aadan maalinta xorriyadda, isagoo ka hadlay halgankii loo soo galay madaxbannaanida Jabuuti wuxuuna u rajeeyay shacabka Jabuuti horumar iyo barwaaqo.

Sida runta ah Walaalaha  Jabuuti ayaa 35 sano ku naaloonayey neecaaga xorriyadda, waxaana muddadaasi uu dalka Jabuuti ku tallaabsaday horumar la taaban karo oo dhan walba ah, waxaana si gaar ah madaxda iyo shacabka Jabuuti lagu xasuusto sida ay uga damqadeen dhibaatada ku raagtay ummadda Soomaaliyeed,

 SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: