Madaxa Sirdoonka dalka Ingiriiska oo ka digay in Al-Shabaab ay qaraxyo la beegsato ciyaaraha Olymbikada ee lagu qabanayo UK.

Mr. Jonathan Evans oo ah  Madaxa Sirdoonka Ingiriiska ayaa ka digay weeraro Argagixisanimo oo kooxda Al-Shabaab ay ka geysato dalka Britain, iyagoo ku soo begaya Tartanka Orodada Aduunka oo Bisha soo socota lagu qaban doono magaalada London.

Sidoo kale jonathan Evans wuxuu sheegay in Sirdoonka Ingiriiska ay ku dadaalayaan sidii ay u hli lahaayeen Xogta Saraakiil katirsan Al-Qaacida oo kusugan Britain kuwaas oo Internetka kula sheekeysta Xubno kale oo kamid ah Al-Qaacidada oo ku sugan Somalia islamarkaana ay kawada hadlaan sidii ay Qaraxyo uga fuln lahaayeen dalka Britain waa sida uu hadalka u dhigay.

 Dhanka kale Madaxa Sirdonka Britain wuxuu tilmaamay in inkabadan 200 oo ah Muwaadiniin UK u dhashay ay kabarbar Dagaalamaan Xarakada Al-Shabaab islamarkaana ay suurtagal tahay in ay dib ugu laabtaan Ingiriiska ayna Fikradohoda ka dhaadhicin karaan Dhalinyaro kale oo ay qaraxyo la eegtaan kumanaanka ruux ee ka soo qeybgalaya ciyaaraha olombikada adduunka .

Sida a wada ogsoon yahay Dowladda Brtain ayaa dhowr jeer Cabsi ka muujisay Weeraro iyo Qaraxyo ay Al-Shabaabka Soomaalia ay kageysan karaan Ingiriiska balse waxaa arin cusub noqoneysa in iminka wal wal laga qabo in ay ku soo begaan Tartanka Orodada Aduunka

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: