Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo maanta si wadajir ah ay  ula wareegeen gacan ku haynta degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe oo 30-km dhinaca waqooyi ka xigto magaalada Muqdisho.
Jen. C/lalahi Cali Caanood oo ah Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada milateriga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo garabka siinaya kuwa AMISOM ayaa waxay si nabadgalyo ah ku qabsadeen degmada Balcad ayna hadda ku wajahan yihiin degmada Jowhar.
Taliyaha guutada koowaad oo la hadlayey Warbaahinta wuxuu yiri: “Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM nabadgalyo ayay ku qabsadeen degmada Balcad, haddana waxaan uga gudubnay dhinaca degmada Jowhar”.
Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda xaqiijisay in degmada Balcad ay gacantooda ka baxday, waxayna sheegay in degmada ay ka dhaceen laba qarax oo ay ku aaseen intii aysan ka bixin, balse ma aysan sheegin khasaaraha ay geysteen qaraxyadaas.
Ma jiraan khasaare ay dagaalladaas dhaliyeen, waxaana degmadan ay noqonaysaa degmadii labaad oo ku dhow Muqdisho oo laga qabsado xoogaga Al-Shabaab, iyadoo bishii hore ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-km.
Si kasta ha ahaatee kooxda Al-Shabaab ayaa waxay u muuqataa inay dhul ballaaran luminayeen tan iyo sannadkii hore daba-yaaqadiisa oo ay ka baxeen degmooyinkii ay Muqdihso kaga sugnaayeen, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa caawinayay dhul aanay horay u joogin isku fidinayaan.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.