Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday Degmada Balcad ee gobalka Sh/Dhexe oo saakay gelinkii hore Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
HEESTA MAANTA (KANI GALBAY)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli oo Saxaafadda kula hadlay gudaha Balcad ayaa sheegay in ay tahay maalin taariikhi ah waayo waa 26-ka June oo aheyd maalintii ugu horeysay ee geyiga Soomaaliyeed laga taago Calanka Soomaaliya iyo sidoo kale farxad labaad oo ah in Degmada Balcad laga xoreeyay nimankii sharwadayaasha ahaa ee Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ay mahadaas leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
“Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed waa kuwa difaacaya dalka oo muujinayo wadaninimo iyagoo waliba aan ognahay iney ku shaqeeyaan oo ku dagaalamayaan daruufo adag laakiin taasi wax caqabad ah kuma noqon marka hore ayay u diyaar garoobeen iney dalkooda difaacaan oo ay xornimo u horseedaan”.
HEESTA MAANTA (KANI GALBAY)
HALKAAN KA DHEGEYSO HEESO BADAN OO WADANI ASAL (Original) AH
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
You must be logged in to post a comment.